Galmudug State oo Dhaliishay Xiriirka Kubada Cagta Somaliya

0
Saturday October 23, 2010 - 14:32:27 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 501
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Galmudug State oo Dhaliishay Xiriirka Kubada Cagta Somaliya

    Qaar ka mid ah Wasiirada Dowlad goboleedka Galmudug State ayaa shalay kulan ay ku yeesheen magaalada Gaalkacyo waxay uga hadleen mowqifka ay ka qaadanayaan Xiriirka K/Cagta Soomaaliyeed oo isagu olole ugu jira inuu ciyaaraha gobolada ku qabto Puntlan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaar ka mid ah Wasiirada Dowlad goboleedka Galmudug State ayaa shalay kulan ay ku yeesheen magaalada Gaalkacyo waxay uga hadleen mowqifka ay ka qaadanayaan Xiriirka K/Cagta Soomaaliyeed oo isagu olole ugu jira inuu ciyaaraha gobolada ku qabto Puntland, waxaana Wasiirada Galmudug oo ay ka mid ahaayeen Wasiirada Waxbarashada, Isboortiga, kaasi oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Waxbarashada.

Wasiirka Wasaaradda Isboortiga Galmudug State oo Warbaahinta u faahfaahinayay kulankaasi iyo go'aanada ay ka qaateen Xiriirka K/Cagta Soomaaliya, ayaa sheegay inaysan aqoonsaneyn Xiriirkaasi, bacdamaa uu yahay NGO la doonayo dhaqaalaha uu bixiyo ururka K/cagta aduunka FIFA.

"Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan bahda Isboortiga waxaan ugu baaqeynaa in Xiriirka Soomaaliyeed ee K/Cagta uu yahay mid ku been abuuraya gobolada dalka ee ay nabaddu ka jirto" ayuu yiri Wasiirka Isboortiga Galmudug oo dhinaca kale sheegay in xiriirku awoodi waayay inuu tago inta badan 15-gobol oo uu sheegay inuu u qabanayo ciyaaraha gobolada.

Dhinaca kale Dowladda Galmudug ayaa sheegay in xiriirka K/Cagta Adduunka FIFA ay u gudbin doonaan dacwad la xiriirta arrinta Xiriirka K/Cagta Soomaaliya uu ka wado dalka gudihiisa, taasi oo uu sheegay in qaar ka mid ah kooxaha K/Cagta ee ka dhisan gobolada dalka uu ku been abuurtay, wuxuuna sidoo kale booskooda geliyay kooxo macmal ah oo aan ehel u ahayn Isboortiga dalka.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip