Waxaa aad u kacsan xaaladda degmada B/Burte ee gobolka Hiiraan, iyadoo dhaqdhaqaaqyo ciidan ay halkaasi ka sameynayaan maleeshiyooyin ka tirsan xarakada Al-Shabaab, kaddib markii uu goostay Taliyihii Al-Shabaab ee degmadaasi oo u dhaqaaqay dhinaca gobolada Galgaduud isagoo wata hal baabuurta dagaalka ah iyo maleeshiyooyin ay isku heyb yihiin.
Taliyaha ciidamada Al-Shabaabka B/Burte oo lagu magacaabo Sheekh Saciid ayaa la sheegay inuu ka baxsaday maamulka xarakada Al-Shabaab isagoona u wareegay dhinaca ciidamada dhaqdhaqaaqa Ahlu Sunna Waljameeca ee iyagu ka taliya gobolada Galgaduud, hase yeeshee maanta ayaa la filayaa in madax ka socota xarakada Shabaabka Hiiraan ay soo gaaraan degmada B/Burte si ay u buuxiyaan booskii uu banneeyay Taliyaha ka goostay.
Xiisada ka dhalatay baxsashada taliyihii Al-Shabaab ee degmada B/Burte ayaa la sheegay inay saameyn ku yeelatay dadka degaanka, waxaana daqiiqado kaddib markii uu magaalada ka baxay Taliye Sheekh Saciid ayaa waxaa halkaasi gaaray kolonyo ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab, kuwaasi oo bilaabay inay sameeyaan howlgallo iyo baaritaanno ay kula dhaqaaqeen dadka degan magaalada.
Dhinaca kale ma aha markii ugu horeysay oo xarakada Al-Shabaab ay ka goostaan saraakiil iyo horjoogayaasha ciidamadooda, iyadoona baxsashada Taliyahaani ay ku soo beegmeysaa xilli xarakada Al-Shabaab ay gobolka ka waddo dagaallo iyo abaabullo ay kula dagaalamayaan ciidamada Dowladda KMG ah iyo kuwa Ahlu Sunna oo iyagana u halgamaya sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen dhammaanba gobolka Hiiraan.
Hogamiye Caan oo ka goostay Shabaab kuna Biray Ahlusuna