Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqday wadamada ku jira ururka Midawga Yurub in xukuumadda Giriiga ka gacan siiyaan sidii looga hor tagi laha dadka muhaajiriinta ah ee ka tagaya wadamo ay Somalia ku jirto oo dalkaasi si sharci daro ku galaya.
War ay soo saartay laanta Q,M u qaabilsan dhinaca qaxootiga ee magaceeda lo soo gaabsho UNHCR ayaa waxaa lagu sheegay in xukuumadda Giriiga ay u tag la’dahay dad fara badan oo ka tagaya wadamo ay Somalia ka mid tahay kuwaasoo uga sii gudbiya wadamada kale ee qaaradda Yurub.
Madaxa UNHCR Cecilia Malmstrom ayaa waxaa uu ugu baaqay wadamada kale ee Yurub ku yaala inay gacan ka geystaan sidii loo hakin lahaa dadka muhaajiriinta ah ee Sidada daadka oo kale ugu qul qulaya Giriiga si gaar ah waxaa uu u codsaday in loo baahan yahay in ciidamo isku dhaf ah la dhigo xadka Giriiga iyo Turkiga u dhaxeeya si dadkaasi loo joojiyo.
Sarkaalkaan waxaa uu sheegay in cel celis ahaan ay 30% kordheen dadka Africa ka imaanaya ee marin ahaanta u adeegsanaya dalka Giriiga marka loo eego sanadkii hore ee 2009.
Andre Mehacec oo afhayeenad u ah UNCHR ayaa waxay sheegtay in dadka Giriiga gala ee Yurubta kale uga gudba ay badankood ka yimaadaan qaaradda Africa wadamo ku yaala oo ay Somalia ka mid tahay waxayna sheegtay in dadkaasi u sii gudbaan wadamada Ingiriis,ka Faransiiska ,Jarmalka, iyo Sweden oo ay ugu dambeyn iska dhiibaan.
Dad badan oo tahriibayaal ah ayaa sanad walba ka gudba wabiga lagu magacaabo Evros River oo isku xira Giriiga iyo Turkiga waxaana dadkaasi ka mid ah Somalida oo ay wararku sheegaan inay dhibaatooyin la kulmaan marka ay Giriiga tagaan.
UN-ka oo soo saartay baaq ka dhan tahriibayaalka African-ka ah