Shirweynha Ururka haweenka Ogaadeniya oo lasoo gaba gabeeyey

0
Thursday October 28, 2010 - 13:04:49 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 551
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirweynha Ururka haweenka Ogaadeniya oo lasoo gaba gabeeyey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa goor dhaweyd lasoo gaba-gabeeyey shir aan caadi ahayn oo ay lahaayeen Ururka Haweenka Ogadenia(OWP) ee dalka Norway,xarunta Jaaliyada Soomaalida Ogadenia ee magaalda Oslo. Shirkan ayaa waxaa kasoo qeyb galay dhamaan madaxda iyo xubnaha Ururkan oo kawada hadlay xaalada uu marayo halganka Gobonimadoonka ah ee ONLF hormuudka ka tahay sida ugu haboon ee loo garab istaagi lahaa, loona dardar-galin lahaa kaalintii ay lahaayeen haweenka Soomaalida Ogadenia halganka lagu xoreynayo shacabka Ogadeni,ee gumeysiga Ethiopia ku hoos jira.
Shirkan ay yeesheen Ururka Haweenka Ogadenia(OWP) ee dalka Norway,ayaa lagu falanqeeyey sidii meel qudha looga soo wada jeedsan lahaa qorshayaasha Dabaqoodhiga loo soo dhiibay ee Gumeysiga Tigreegu uu soo maleegay Jaaliyadaha dibada,loona fashilin lahaa cida walba oo ku lug leh hawlaha gumeysi kalkaalnimada ah.
Hooyo Faadumo,Madaxa xidhiidhka dibada ee Ururka Haweenka Ogadenia(OWP) ee dalka Norway,ayaa ku dheeraatay mar ay kahadlaysa shirkii caawa,muhiimada ay leedahay sidii loo mideyn lahaa loona xoojin lahaa dhamaan Ururada Haweenka Ogadenia ee kunool dacalada aduunka.
Hooyo Faadumo oo ka hadlaysay soo dhaweynta Fanaanada qaranka Soomaaliyeed oo booqasho iyo bandhig-faneed balaadhan u imanaysa xarunta Norway ee Oslo,13 November ayaa qeexday sida shacbaka Ogadenia u soo dhaweynayaan uguna faraxsan yihiin Fanaanada Soomaaliyeed Saado Cali Warsame,iyadoo ooga mahad celisay siday ay uga soo baaxday Fanaanadu waajibaadkeeda walaal-tinimo ee ay maalin iyo habeen lagarab taagan tahay Shacabka Soomaalida Ogadenia ee ku hoos jira gumeystaha Tigreega.
Cadaawada iyo dhibaatada gumeysiga Ethiopia ayey ku sheegtay inuusan ku koobnayn oo kaliya Ogadenia,balse bay tidhi uu maanta uu gaadhay heer uu xabada iyo qoriga isugu dhiibo walaalihii Soomaaliyeed ee ku noolaa Jamhuuriyadii Soomaaliyeed.Waxayna carabka ku dhufatay hooyo Faadumo, inaysan Soomaaliya xasilaynin,qaran madax-banaana noqonaynin inta ay Ethiopia gumeysato Dhulka Ogadenia.
Shirka ayaa sidoo kale,lagu cambaareeyey gabood falada iyo falalka waxshinimada ah ee gumeysiga Tigreegu kuhayaan shacabka Ogadenia.Waxayna baaq u direen wadamada Aduunka iyo Hay’adaha Xuquuqal Insaanka ee Aduunka siday cadaadis u saari lahaayeen waxna ooga qaban lahaayeen taliska uu Hogaamiyo Kaligii taliye Males Zenawi.
Ururka Haweenka Ogadenia(OWP) ee dalka Norway,ayaa sidoo kale soo dhaweeyey War bixintii ay soo saartay Ururka Xuquuqul Insaanka Aduunka(Human Right Watch) dodobaadkii aan soo dhaafnay,waxayna ugu baaqeen Human Right Watch inay si gooni ugu kuur galaan xaalada cakiran ee ay kujiraan Shacabka Soomaalida Ogadenia.
Xubnaha shirka ka qeyb galay ayaa soo dhaweeyey qaban-qaabada Mudaaharaadka la qorsheynayo inuu ka dhaco Geneve 2-da &3-da Nonember.Bananaan baxan ayaa daba socda mudaaharaadadii lagu fashilinaayay dabinada gumaysiga Tigreegu ee ay jaaliyaadku kaga hor tageen daboqoodhiga soo gaadhay wadamada Danmark iyo Ingiriiska.Waxyna shegeen inuu Ururka Haweenka Ogadenia ee dalka Norway uu diyaar garow balaadhan ugu jiro siday kaalinkooda uga soo bixi lahaayeen uguna qeyb-qaadan lahaayeen Mudaaharaadka lafilayo inuu Genevo ka dhaco bilowga bisha November ee fooda inagu soo hayso.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip