Daawashada Filimo Dagaal oo Alshabaab Daaha ka rogtay

0
Thursday November 04, 2010 - 11:58:57 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 960
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawashada Filimo Dagaal oo Alshabaab Daaha ka rogtay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Deegaanadda ay Maamulaan Xarakada Al-shabaab ayaa Laga Bilaabay in Dadka Loogu Yeero Sameecado ama Codbaahiyeyaal laguna wargeliyo inay ka soo qeyb galan Daawashada Aflaan ka turjumeysa Dagaalo hore oo ay Mamulku ugu yeereen inay yihiin kuwo Jihad ah halkasoo inta Badan laga jeediyo Muxadarrooyin ku sabsan Hadafka Xarakadda Shabaab ee ah in lala Dagaalamo Ciidamadda Shisheeye iyo kuwa Dowladda KMG ah.


Dadka ku Dhaqan Deegaanada ay maamulan Kooxda Shabaab ayaa Walaac ka Muujiyay in Xilliyada Qaar Dadweynaha lagu Qasbo iney u Daawasho tagaan Aflaantas Jihaadka ah iyagoo la daalaa dhacaya Qaraabka ama la Jihaadka Quutul-daruuriga iyo Nolol malmeedkooda iyagoo ka cabsi qaba in xilli ay u Guda jiraan howlahooda caadiga ah lagu amro Daawashada aflaanta oo ay horay u mamnuucen Xarakada Shabaab.

Inta badan Deegaanada ay ka Taliyaan Shabaabka gaar-ahaan Muqdisho iyo qaar ka tirsan goboldda koonfurta Soomaaliya ayaa Amaraasi Lagu wada inuu si Buuxda looga hirgaliyo balse lama Shaacin Ciddii ka Dhaga-adeygta ama Diida Ciqaabta ay Muteysan Karaan iyagoo horay deegaanadaasi looga Mamnuucay isticmaalka iyo iibinta Jaadka,Sigaarka,Tubaakadda,Shineemooyinka, Ciyaaraha, Hilibka Sagaarada iyo waliba Ukunta Digaaga.

Inta Badan Maamulka Al-shabaab ayaa Aflaanta Jihaadka Baahiya Xilliyada Maqribyada ah kuwaa oo koox loo Xilsaaray oo wata Gadiid laga Shidayo Aflaan Jihaad la Xiriirta ayaa inta badan la arkaa iyadoo aaney Dad badani joogin Waqtiga oo habeen u dhaw iyo Xaaladaha Collaadeed ee ka jira Deegaanada qaarkood uwaa oo inta Badan Dadweynuhu ay Xaafadahooda sii Tagaan abaare afarta galabnimo ama tobanka saac ee galabnimo.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip