UN-ka oo soo jeedisay in la kordhiyo ciidamo iyo maraakiib ka dagaalnta Xeebah Somali

0
Wednesday November 10, 2010 - 20:44:21 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 432
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    UN-ka oo soo jeedisay in la kordhiyo ciidamo iyo maraakiib ka dagaalnta Xeebah Somali

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ku xigeenka madaxa arrimaha Siyaasadda caalamka ee Q,M Lynn Pascoe oo hadal ka hor jeediyay golaha amaanka ee Q,M ayaa waxaa uu sheegay inay lagama maarmaan tahay la kordhiyoyo tirada ciidamada iyo Maraakiibta ku sugan biyaha dalka Somalia si ay ula dagaalamaan kooxaha burcad badeeda Somalied ee ku sii xoogeysaneysa xeebaha Somalia.

Lynn Pascoe waxaa uu sheegay in dhibaatada ay biyaha Somalia ku hayaan burcad badeedu ay sii kordheyso sanadba sanadka ka dambeeya waxaana uu ku baaqay in maraakiib iyo ciidamo dheeraad ah loo soo diro biyaha Somalia.

Sarkaalkaan Q,Mu hadlay waxaa uu sheegay in burcad badeedu ay bilawday farsamooyin cusub o ku aadan inay wax ka ugaarsadaan xeebaha Somalia ka baxsan taasoo uu ku sheegay inay hab farsamo cusub oo ay haatan bilaabeen waxaana uu sheegay in loo baahan yahanyahay oo la joogo xilligii meesha laga saari kooxaha burcad badeeda Somalied taasoo ku imaan karta buu yiri in la kordhiyo ciidamada biyaha Somalia jooga.

Hadalkaan kasoo baxay Lynn Pascoe ayaa waxaa uu imaanayaa xilli dhawaan war ay soo saartay hay’adda badmareenadda caalamka ee magaceeda loo soo gaabsho IMO ay ku sheegtay in burcad badeeda Somalida ay gacanta ku dhigeen in ka badan 438 markab iyo shaqaalahood oo ay willi qaarkod gacanta ku hayaan.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip