Ma run baa inuu Mourinho meel ugasii dhacay milgadii kubadda cagta..? Faallo...(Qalinkii Maxamed Xaaji)–

0
Friday November 26, 2010 - 21:02:17 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1413
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ma run baa inuu Mourinho meel ugasii dhacay milgadii kubadda cagta..? Faallo...(Qalinkii Maxamed Xaaji)–

    Intii ay socotey ciyaar ku tirsaneyd koobka horyaallada Yurub oo talaadadii dhexmartay kooxaha Real Madrid iyo Ajax Amesterdam, laacibiinta Xabi Alonso, khadka dhexe iyo Sergio Ramos oo dadabka bidix iyo dambeedka dhexe ka difaac gala ayaa si ula kac

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Intii ay socotey ciyaar ku tirsaneyd koobka horyaallada Yurub oo talaadadii dhexmartay kooxaha Real Madrid iyo Ajax Amesterdam, laacibiinta Xabi Alonso, khadka dhexe iyo Sergio Ramos oo dadabka bidix iyo dambeedka dhexe ka difaac gala ayaa si ula kac u muuqatay u qaatay kaarka qas oo la oran karo qalqaalo ayay u galeen. Sababtuna waxay tahay waxaa iminka soo baxay muuqaallo muujinaya macalin Mourinho oo hadal hunu hunu ah dhegta ugu sheegaya Alonso inyar uun kahor intii aan garoonka laga ceeyrinin, waxaa sidoo kale la arkayay mid ka mid ah tababarayaasha la shaqeeya Mourinho oo qaab xawilaad ah akhbaarta ugu dardaar werinaya goolwale Iker Casillas oo aan isna markiisa ka habsaamin inuu warkii gaarsiiyo Sergio Ramos oo markiiba madaxa u gundhiyay. UEFA ayaa iminka sheegtay inay arintan baarayso, sidoo kale xaqiiqada ah inay ciyaartu maraysey 4-0 ay lahayd Real oo ay weliba daqiiqado 4 ihi ka dhinaayeen meesha kama saareyso sheekadan loo jiley sidii Daraama Tiyaatar ka socota, waayo..? waloow labada laacib ee iminka muhimka u ah qadiyadda Real Madrid ee ku aadan hanashada koobkoodii 10-aad ay garoonka ka bexeen misna ujeedka ka dambeeya ayaa si fudud loogu tilmaamayaa inay ka nadiif noqdaan kaararka Hurdiga ama jaallaha ah ee ay qaateen, si ay uga maqnaadaan AJ Auxere oo aan wax micna ah ugu fadhiyin maadaama ay horay usoo bexeen, si deeto ay usoo xaadiraan wareega bug-baxda ah ee 16-aad.

Kubadda cagtu waa ciyaar uu iminka musuq diloodey, marka aad ugu yaraan eegto waxa ay FIFA gacmaha kula jirto ee la xiriira laaluush la qaatay oo uu xitaa ku leg leeyahay madaxweyne xigeen xiriirka, waa Ciyaar iminka halis ugu jirta inay ka baxdo naftii caadiga ahayd, waa ciyaar ay shakhsiyaad ku maamulaan go'aano laab la kac ah, waana ciyaar lumisay edebtii iyo anshaxii dhaqameed ee looga bartay.

Laakiin markii maamulayaashii kooxaha ugu waaweyni ay sidan u macaamilaan waxay gaareysaa hinraag u dhexeeysa geeri iyo nolol, waayo waxay awalba garsoorayaashu qadyaan ka taagnaayeen laacibiinta is tuura ee jilliinka sameeya si ay gool ku laad IWM u kasbadaan, xiriirarada kala duwanina waxay eeda oo dhan dusha ka saaraan isla garsoorka iyagoo ka caga taaleeynaya inay hirgalaan hanaanno la adeegsanayo farsamada casriga ah sida kaamirooyin marqaati ah, waloow aanan meesha ka saareynin khaladaad laga fursan karo oo in badan ka dhaca garsoorayaasha laftooda.

Xilli-ciyaareedkii tegey macalinka Arsenal Arsene Wenger ayaa dagaal ku qaaday xiriirka K. C. Qaaradda Yurub ee UEFA kagadaal markii ay 2 ciyaar ka mamnuuceen weerarkiisii xilligaas Eduardo oo lagu eedeeyey inuu si ula kac ah isu tuuray kulan ka tirsanaa wareeg-horaadka Uefa Champions League oo ay la ciyaarayeen kooxda Celtic Glascow ee gobolka Scotland. Kooxda Gunners ayaa xitaa gaartey inay qareen u ijaartaan difaacidda laacibkan Brazil kasoo jeeda taasoo keentay inay UEFA ka laabato go'aankeedii, laakiin ugu dambeyn waxay uun ahayd macalin iyo maqaawiir waaweyn oo khiyaano u qiil sameeynaya.

Xagaagii tegey waxaa heerka ugu sareeya kubad la laado ku hardamayay dalalka Nederlands iyo Spain oo nasiib u yeeshay inay usoo baxaan dhamaadka koobkii aduunka 2010-ka. macalinka Holland Bert Van Maarwijk ayaana u muuqdey nin laacibiintiisa kasoo dhaadhacshey inay laadaan wixii ka horyimaada kubad iyo qofba, taasoo marka lagu biiriyo garsoorenimo xumadii Howard Webb oo u dhashay dalka Ingiriiska u muuqatay ciyaartii ugu xumeeyd heerkeeda goobtiina ka dhigtay rug ciyaal bacaad ay isku hayaan oo kale..!

Iminka waxaa noo muuqda mid ka mid ah tababarayaasha la qirsanyahay qarnigan oo weliba laylinaya mid ka mid ah camaaliqooyinka ugu waaweyn kubadda cagta oo xeerkii u qaloocinaya si uu xaajadiisa u gaaro, hadii baarista socotaa ay sidaa noqotana kubada cagtu waa uun hooskeedii ee meesha waxba kuma hayno.
Waa is waydiine maxaa keenaya in uu Alonso dhowr jeer dib u gurto markii uu laadi lahaa laad xor ah oo loo dhigay ilaa kaarka cas la siiyo oo uu boxo isagoo faraxsan sida ka muuqatey tacbiirta wejigiisa, maxaase keenay in uu Ramos uu dib u laabto oo uu soo darbeeyo laad-gool uu caawa oo dhan soo qaadayay gool haye Casillas, waxaa ka darreyd in markii kaarka cas loo taagey uu garsoorihii salaan kula soo orday inagoo wada garaneyna anshaxa Ramos oo aan baarrinimadaas looga baranin horraan..! (Wax baa salag leh). ku darsoo tababare Mourinho oo ah nin kuleeyl lagu yaqaano ayaa markii ugu horeeysey u muuqdey hebed aanba la soconin howsha socota.
Halkan ka daawo muuqaallada cajiibka ah: http://www.youtube.com/watch?v=aRIhYo2AuzI

Laacibiin waaweyn sida Alonso iyo Ramos iyo tababare wayn sida Mourinho dabcan mas'uuliyad baa ka saaran inay badbaadiyaan faya qabka ciyaarta ee maaha inay bushiyaan, waa dadkii qawsaarro u noqon lahaa, markase uu xaal kusoo ururo khiyaano iyo qaab darro waxaa dhimanaysa akhlaaqiyadii kubadeed oo ay dib u dhiskeedu sanado qaadan doonto, in la adeegsado khidado qaawan oo noocan oo kale ah ayaa sidoo kale ku tacadineysa kalsoonidii taageerayaasha K. Cagta. waxaana meel hoose lagu ceejinayaa shucuurtii kubada oo neef qabatowdey. Duni caadi ah, UEFA waxay tilaabo culus ka qaadi lahayd Madrid iyo Mourinho laakiin istimaalka ay taasi ku dhici karaysaa waa mid aan ugu yaraan raja badan laga qabin, marka la eego xajmiga ganaaxa arintani mudan tahay.

Khiyaanadu beryahan caadi bay iska ahayd tusaale waxaa kuugu filan xulka Faransiiska oo koobka aduunka ugu soo baxay kubad uu si cad u gacmeeyey Thiery Henry kulankii kala baxa ahaa ee ay la cayaareen jamhuuriyadda Ireland sidoo kale xusuuso Luis Suarez, hujuumka xulka Uruguay oo dalka Ghana gacantiisa ku reebay kadib markii uu galay booskii goolhayaha Uruguay Fernando Muslera, labaduba waxaad moodaa inay weli sare u eegayaan sancadan cajiibka ah ee uu laxameeyey Mourinho.

Khiyaano waa uun khiyaano laakiin waxaa jirta duni u dhexeeysa falcelin mar ka timaadda qofka bini aadmiga ah iyo musuq lasii maleegey, si kastabase, hadii uu shilkani dhab yahay waa mid dheg xumo wayn iyo dhaawacba u gaysanaya ciyaarta aynu jecelnahay ee kubadda cagta, sidaa darteed UEFA waa inay tillaabo qaadaa.....???!

Waxaa isku Duwey: Maxamed Xaaji Xuseen Raage
Boosto-Koronto; maxaaji@hotmail.com
Gothenburg, Sweden



Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip