Maldova oo bad baadisay doon ay saarnaayeen Tahriibayaal Somali ah

0
Monday November 29, 2010 - 18:41:00 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 615
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maldova oo bad baadisay doon ay saarnaayeen Tahriibayaal Somali ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada wadanka Moldavia ayaa bad baadiyay doon waday ku dhawaad 7 ruux oo Somali ah oo ku dagtay jaziiradda Fuvahmulah lagu magacaabo wadankaasi ku taala.

War ay ciidamadu soo saareen ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamadu ay u gurmadeen doon yar oo ay saarnayeen dad 7 ruux gaaraya oo Somali ah taasoo ku dagtay jaziiradda Fuvahmulah oo ku taala koofur galbeed Maldavia waxaana la sheegay muwaadininta Somalida ah ee doonida la socday ay dhamaan bad qaban oo haatan la geeyay Cisbitaal.

Sarkaal u hadlay ciidamada badda oo lagu magacabo Major C/raxiin ayaa uu sheegay inaysan garaneyn sababta keentay in doonidu degto waxaana uu beeniyay in doontu sababsatay rasaas ay ciidamadu ku rideen waxaana uu intaa ku daray inaysan wax xog ah ka heyn wax dadkaasi ay yihiin iyo meesha ay ku socdeen intaba.

Nin lagu magacaabo Cabaas Axmed oo ka mid ah dadkii ugu horeeyay ee arkay doonta kadibna ciidamada wargaliyay ayaa sheegay inuu arkay doonta uu sii quuseysa iyo dadka saran oo maryo kor u ruxaya waxaana uu shaaciyay inay u gurmadeen oo ay bad baadiyeen.

Dhacdadaan ayaa qeyb ka ah dhacdyin is daba jog ah oo ku dhacda muwaadiniinta Somalida eek u safraya wadamada caalamka lamina oga in muwaadiniintaan ay tahriib yihiin iyo in kale.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip