Taymuur Cabdal Wahaab ayaa lagu magacaabay Ismiidaamiyihii Sabtidii isku qarxiyay goob ganaacsi oo ka mid ah Caasimada Sweden ee Stockholm, Shakabad Islaami ah ayaa waxaay ku tilmaamtay howlgal Ishtihaadi ahaa oo uu fuliyay Mujaahid taymuur Cabdal Wahaab oo ka soo jeeda Yemen.
Intii aanuu dhicin qaraxa ayaa wakaalada TT loo soo diray cod ku hadlaya afka Swedishka isla markaana ku dardarmaya inuu samayn doono fal waxaana uu ku yiri umma dulqaadan karo inaan daawado dulmi lagu hayo Islaamka isla markaana xadgudubka loo geysanayo Nebigeena Moxamed (NNKH).
Ciidamada amaankawaxaay weli ka gaabsanayaan inaay sheegaan magaca ama cida toos uga dambeeysa iyadoo sawirada marka la eego aay si buuxda u cadahay cida ka dambeysa weliba cajalada waxaa ka muuqata qof aan u dhalan Sweden oo ku hadlaya afka Swedishka.
Waxaa shalay oo dhan soconayay baaris aay wadeen ciidanka amaanka isla markaana waxaa cad in la hayo xog buuxda oo ku saamsan qofka geystay falkani lagu dili lahaa dad tiro badan oo aan waxba galabsan, balse arinta yaabka leh waa qofka falkani geystay waa qof wadankani aay Dowladda Sweden u ogolaatay inuu ku noolaado isla markaana caawimaad bani'aadannimo ku bedelay inuu naftiisa haligo shicibna galaabto.
Qaraxyada oo laba aha ayaa waxaan la hubin in aay xiriir lahaayeen balse runta waxaa la ogaan doonaa marka ciidanka baarista ee Dalkani aay soo gabagabeeyaan baaritaankooda.
Daawo sawirada qaraxyada dhacay:
Xogta dhabta ah ee wixii ka dhacay Stockholm + Sawirada goobta
Shabakad Islaami ah oo lagu magacaabay Shumukh al-Islam ayaa aqoonsatay ninkii is qarxiyay Wado ganaacsi oo ka mid ah Istokholom.