Horyalkii 36 ad ee Kubadda Cagta ee Soomaaliya oo Furmey

0
Saturday January 22, 2011 - 16:41:01 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 763
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Horyalkii 36 ad ee Kubadda Cagta ee Soomaaliya oo Furmey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Markii uu furmyey Hoyaalkii Kubadda Cagta ee Soomaaliya waxay dadka daawaneyey ay Maqlayey Daryanka Madaafiicda ay is weydaarsanayeen Kooxaha isaga soo horjeeda Magaalada Muqdisho hase yeshee dadka oo muddo Shan aan daawan Horyaal ayaa dheq jalaq u siinin Madaafiicda dhaceysey wuxuuna Horyaalka Kubada Cagta Soomaaliya uu ka furmey Garoon aan sidaa loo aqoon oo ku dhex yiiley Kulayadii Siyaasada iyo Saxaafada ee Jaamacadda Ummada Soomaliyeed maadaama Garoomadii waaweynaa ee Kubada Cagta ay xireen Dagaala aan dhamaadka lahayn ee ka socda Magaaladda Muqisho waxaana Furitaanka ka soo qaybgaley Taageerayaal aad u fara badan Madaxda Guddiga Olombikada Soomaaliyed iyo Madaxda Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda Cagta iyo Masuuiliyiin ka socotey Dowlada Federaalka.


Ugu horeyn waxaa halkaa ka Hadley Xoghayaha Xiriirka soomaaliyeed ee Kubada Cagta Cabdi Qanni Saciid Carab oo sheegey in xiriirka Soomaaliyeed ay dadaal u galeen in uu furmo Hoyaalkii Kubada Cagta Soomaaliya oo muddo dheer aan la qaban Xaalad Nabadgelyo xumo aawadeed isagoo u Mahadceliyey intii isku howshey Furitaanka Tartanka oo ay ugu horeyeeyaan Ciidamada Nabadgelyada iyo dadka deegaan ee Garaonka Gacanta ku hayey wuxuu kaloo uu sheegey in Todobaadkii la cayaari doono 4 Jeer oo kala ah Khamiis , Jimce , Isniin iyo Talaado wuxuu kaloo carabka ku dhuftey Xoghayha in Hoyaalka uu noqon doono Is arag Hore iyo Is arag dambe wuxuuna ugu baaqey kooxaha ka qaybgalaya tartankain ay la yimaadaan Asluub wanaag iyo in waqtiga ilaaliyaan .


Waxaa kaloo ka Hadley Gudoomie ku xigeen Xiriirka soomaaliyeed ee Kubadda Cagta Cali Saciid Guuleed oo sheegey in muudo dheer Dadaal loogu jirey in la qabto Horyaalkii 36 aad ee Soomaaliya wuxuna isagana u Mahadceliyey intii isku soo dubaridey Qabsoomida Tartanka Horyaalka kubadda Cagta ee somaaliya


Waxaa kaloo halkaa ka Hadley Agaasimha waaxda dhalinyarada ee Wasaarada Isport-ga Mudane Isaaq Xaashi oo sheegey in isboortigu uu yahay mid is dhexgal ku abuura Bulshada loona baahan yahay in tartamada noocaan oo kale la balaariyo si wadanka loogu soo dabaalo nabad iyo Xasilooni.


Ugu dambeyntii waxaa tartanka furey Gudoomiya Guddiga Olambikada Soomaaliyeed Aadan Xaaji Yabarow Wiishi oo u mahadceliyey Xiriirka soomaaliyeed ee Kubada Cagta oo uu sheegy in uu qaadey Talaabo Geesinimo leh wuxuu kaloo uu kula dardaarmey Kooxaha ka qaybgalaya Tartan in ay la yimaado Ciyaar wanaag iyo Asluub waxaana ciyaartii ugu Horeysey lagu Furey Kooxaha Heegan iyo Kooxda haysta Horyaalka Soomaaliya ee Banaadir waxayna labada tababare ee labada Kooxood waa Cali Buu iyo Cabdi Kuus ay noo sheegeen in ay Guul la dheelman doonaan waxayna Ciyaarta oo uu dhexdhexaadinayey Bashiir Colaad ay waqtii Hore ku soo gabagabowdey 0-0 markii la isku so laabtey waxay labada Kooxood soo bandhigeen Ciyaar si aad ah loo jecleystey waxaase Guushii la Caroowdey Kooxda Heegan ee Ciidanka Booliska kadib markii Daqiiqadii 87 Gool qurux badan u dhaliyey Cayaaryahan Jabriil Xasan Fariid oo Berri u kicitimo doono dalka Jabuuti oo isagoo ay qaadatey koox ka dhisan Dalka Jabuuti, waxaana Muuqata in Jabriil uu kooxdiisa ku sogootiyey Farxad iyo rayn rayn waxaana Ciyaartii ku soo idlaatey 1-0 oo ay Guusha ku raacdey Kooxda Heegan waxaana Maalinta Isniinta ee Fooda nagu soo haysa ciyaaraya Kooxaha Elman iyo Kooxda Savaana

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip