Digniinaha ka imaanaya dadka degan magaalada B/Weyne kuna saabsan tacadiyo kala duwan iyo awaamiir maamulka xarakada Al-Shabaab ay ku soo rogayaan bulshada gobolka Hiiraan degan, gaar ahaan shacabka ku dhaqan magaalada B/Weyne, iyadoo arrintaasina sababtay in odayaasha gobolka ay baaq u jeediyaan ururka Al-Shabaab iyagoo ka dalbaday inay haweenka ka daayaan karbaashka xilliyada salaadda ay dadka ugu khasbayaan inay masaajidka ku tukadaan.
Kulan magaalada B/Weyne ee gobolka Hiiraan ay shalay ku yeesheen odayaasha iyo waxgaradka magaaladaasi ayaa shirkooda ka soo saaray bayaan ka koobnaa dhowr qodob, kaasi oo ku saabsan qaab maamulka ururka Al-Shabaab ee ku wajahan gobolka Hiiraan kaddib markii ay u adkeysan waayeen cabashada iyo qeyla dhaanta uga imaaneysa bulshada degan magaalada B/Weyne.
"Abaarta maanta ku habsatay dalkeena waxaa ka daran xukunka Al-Shabaab oo aan kala soocin ciroolaha, haweenka iyo caruurta" ayuu yiri mid ka mid ah odayaasha ka qeyb galay kulanka ay uga hadlayeen dhibaatada Al-Shabaab ka waddo degaanka, hase yeeshee odaygaasi ayaa diiday magaciisa inaan faafino sababo nabadgelyo awgood.
Dhinaca kale odayaasha magaalada B/Weyne ayaa ugu baaqay ururka Al-Shabaab inay wax ka bedelaan qaabka ay ula dhaqmaan bulshada magaalada, iyagoo sheegay in haween fara badan ay ku karbaasheen meel fagaare ah iyadoo lagu khasbayo inay salaadda tukadaan, sidoo kale waxaa dhacday dhowr jeer in rag xoolaley ah lagu karbaashay suuqa iyadoo lagu khasbayo inay masaajidka ku tukadaan.
Odayaasha waxay ku taliyeen in Al-Shabaab aanay marnaba karbaashin haweenka, taasi oo ay ka digeen hadii laga dhega adeygo taladooda inay horseedi doonto cawaaqib xumo arrintaasi ka dhalata iyo waliba kacdoon dadweyne oo ka curta magaalada B/Weyne kuna faafa gobolka oo dhan iyo dalka intiisa kale haddii ay sii socdaan cadaadisyada iyo xukunka joogtada ah ee ay ku caan baxeen maamulada ururka Al-Shabaab dadka degan meelaha ay ka taliyaan.
Shabaabka oo Looga Digay Karbaashidda Haweenka B/weyne