London (YAR): Madaxweynaha Hiiranland State Mudane Mukhtaar Sheekh Cabdirasaaq ayaa manta ku dhawaaqay golihiisa xukuumada oo ka kooban 12 Xoghaye (Wasiirada) iyo sarakiil kale, mar uu maanta shir jaraa’id uu ku qabtay xafiiska magaalada London.
Madaxweynaha Hiiranland State ayaa sheegay in uu dhawaan soo magacaabidoono gudoomiyayaasha iGoboladada iyo degmooyinka Hiiranland. Wuxuu sidoo kale sheegay in degmooyin cusub iyo xuduuda Hiiraanland State la leedahay gobolada kale lagu soo saaridoon wareegto madaxweyne.
Halka ka akhriso wareegtadii Mudane Mukhtaar Sheekh Cadirasaaq ku magacaabay golihiisa wasiirada iyo sawiro.
Xafiiska Madaxweynaha
Tiro:0012667/2011
Taariikh:05/02/2011
Ujeedo: Golaha xukuumadda Hiiranland State
La tashiyo fara badan ka dib wuxuu xafiiska madaxweynaha dowalad goboleedka Hiiranland State magacaabay Golahiisa xukuumada. Waxaana laga soo kala xulay dhammaan qabaa’ilka degan gobolada hoos yimaada dowlad goboleedka Hiiranland State. Waxaana sidoo kale lagu soo xushay aqoontooda. Magacyada xoghayayaasha xukuumada, taliyayaasha ciidamada iyo lataliyayaasha oo uu madaxweyna magacaabay waxay ka kooban yihii 12 xoghaye, laba taliye ciidan iyo saddex lataliyayaal kuwaas oo kala ah sida soo socota:-
Golaha Xukuumada
1. Xoghayaha Garsoorka iyo Arrimaha Garsoorka iyo Arrimaha Diinta:
Ustaad: Bashiir Cabdullahi Sahal Dhageey
1. Madaxweyne Ku-xigeenka kowaad ahna Xoghayaha Arrimaha Gudaha :
Mudane: Cabdi Maxamuud Cabdi Shunuf.
1. Madaxweyne Ku-xigeenka Labaad ahna Xoghayaha Gaashaandhigga :
Ganeral : Maxamed Xaaji Amiin
1. Xoghayaha Arrimaha Dibada:
Mudane: Abdi Wahaab Yuusuf Muxumed (kutuleti) ahna Afhayeenka Dowlada
1. Xoghayaha Maaliyada:
ING: Abdi Wali Sheekh Ali
1. Xoghayaha Warfaafinta:
Dr: Cadifataax Cabdulqaadir Xaaji
1. Xoghayaha Caafimaadka :
Dr: Abdi Ali
1. Xoghayaha Waxbarashada iyo Barbaarinta iyo Hidaha iyo tacliinta sare:
Drs: Hodan Elmi Faarah
1. Xoghayaha Gaadiidka Cirka Iyo dhulka:
ING: Xuseen Maxamed Nuur (Xuseen Madoobe)
10. Xoghayaha Arimaha Qooyska Iyo Daryeelka Dumarka:
DRs:Sahara Yuusuf Muxumed
11. Xoghayaha Sportga Iyo Dhalinyarada:
Mudane: Aadan Miidaan Ahmed
12. Xoghayaha Dalxiiska iyo Duurjoogta :
Drs: Baarliin Maxamed Nuur
Taliyaasha Ciidamada:
1. Taliyaha ciidanka booliiska (nabad sugida)
Genaral Bocor Xuseen Cade
2. Taliayaha Ciidanka Meletariga :
Generaal Cismaan Aadan Maxamed
Lataliyayaasha Madaxweynaha:-
1. Lataliyaha Madaxweeynaha Arrimaha Siyaasada iyo Amaanka :
Mudane Abdulle Osmaan Mahamed
1. Agaasimaha Xafiiska Madaxweynaha :
Mudane: Abdullahi Abdi Subeir
1. Lataliyaha Madaxweeynaha Arrimaha Sharciga
Nuur Abdullahi Eymoy
Wuxuuna madaxweynaha marka ay soo dhamaadaan la tashiyada daweynaha ku dhaqan Hiiraanland ee ka socda gudaha maamul goboleedka soo magacaabi doonaa mas’uuliyiinta gobolka iyo degmooyinka.
Wa billahi Towfiiq
Mudane Mukhtaar Sheekh Cabdirasaaq
Madaxweynaha Hiiranland State
Madaxweynaha Hiiraanland State oo Xukumadiisa ku Dhawaaqay