Waxaan doonayaa inaan maanta qoraalkayga ku bandhigo dhawr arimood oo ku saabsan wadciga maanta iyo xaalada wadanka iyo umada soomaaliyeed.
Sida aan wada ognahay umada soomaaliyeed waa bulsho ku caanbaxday badideeda inyar oo ilaahay tusay maahee inay qaladka isku raacaan xumahana isku taageeraan ma jiraan ilaa hada cid is waydiisay maxay tahay masiibada inagu dhacday sideese looga badbaadaa masiibada nagu habsatay.
Waxay umada soomaaliyeed dal iyo dibad caan ku noqdeen inaysan kala saarin xaaraanta iyo xalaasha oo qofku sameeyo qaab kasta oo uu wax ku helayo waqtiyadii hore soomaalida waxay aad uga isaga ilaalin jireen waxyaabaha magacxumada, dhaqan xumada , diin xumada, dadnimo xumada ama is dulaynta iyo inay sumcadooda gataan oo shilimaad dhaafsadaan.
Waxay kaloo soomalida maanta caan ku yidhiin Daacad daro joogta oo uu ciwaan uga dhigayo maxaa iga galay, haday shaqo tahay haday cibaado tahay haday ganacsi tahay haday maamul tahay haday dhinac walba oo nolosha ah tahay.
Waxay kale oo caan ku noqdeen Madax adayg aan qofka loo sheegi Karin qaladkiisa oo uu isla saxan yahay iyo islawayni ba,an Anaaniyad iyo kala korayn ka dhaadhacsan dadka qaarkiis iyo qabaliyad lagu faano lagana hormariyo diinta iyo dhaqanka wanaagsan ,Nacayb xad dhaaf oo ka bilaabmayaa jufada ugu saraysaa ee kala qaybsanaanta ilaa laga gaadho bah bah oo laba aabe wada dhalay ay laba bahood isku ficlaan.
Waxay kale oo caan ku noqdeen Dhiirigelinta qabyaalada iyo caadifada ka dhoohnaanta wadaniyada iyo islaamnimada intaas oo cudura waxay la degeen umadeena waxaana la yaab ah hadaad shaqsi ka mida madaxda dalka sheegto qaladkiisa in nin o goo aysan ka qarsoonayn ku difaaco qabiil dartiis isaga oo ka dhimanayaa nin reer hebela oo runta lagu cadeeyay oo qaladkiisa la sheegay
Kuna taageerrayaa xumaantaas isagoo og in aysan wanaagsanayn ficilka ninkaasi sameeyay iyo kan isagu samaynayo labaduba-
Hadaad maamul ka mida maamulada wax ka sheegto jira oo xaqiiqa ah ama ka qorto qoraal dhab ah oo umada wada ogtahay waxaa kuu imanayaa 1000 fariimood oo dagaal iyo aflagaado iyo hanjabaad ah.
Hadaad diinta islaamka wax ka sheegto ama ku xadgudubto ma jiro qof soomaaliya oo ka damqanayaa inyar oo ilaahay nasiib u siiyay fahanka wanaagsan kana fiyoow cudurka ku baahay umada maahee markaa leeyahay umada soomaaliyeed ma wada xumo balse waxaa waqtiyadan danbe batay inta xumaha jecel oo qariyay dadkii wanaagsanaa waalidiintii iyo dhamaan muwaadiniinta soomaaliyeed kana dhigay dad aan lahayn wax taariikha ama wanaaga
Joornaal kasta waxuu qoraa , aduunka meesha ugu cabsida badan, aduunka meesha ugu amaanka daran , aduunka dadka ugu jaahilsan, aduunka umda ugu caqliga xun , aduunka meesha ugu mugdiga badan bulshada aan aqoon sida laysu maamulo ama loo heshiiyo, Dhamaan waxaas oo dhami waa wax lagu arkay
Waxaan doonayaa inaan halkan dhacdo yar oo dhab ah oo aan goob joog ahaa ku soo bandhigo
(waxay ka dhacday magaalo ka mida waxaanan ahaa goobjoog 1993dii ayaa nin waalan oo la wada yaqaan waxuu soo galay maqaaxi ama ama meherad lagu iibiyo shaaha iyo qaxwada waxuuna mudo saacad ku dhaw ku celcelinayay erayo ku lid ah diinta iyo ilaahay iyo nebiga oo aflagaado ah dadka meesha ku jiray oo kor u dhaafayay ilaa 100 qof ayaan maqlayninba wax kulayl iyo qaboow toona ninkii ayaa bilaabay inuu caayo qabiilada meesha joogay magacyada ruuxaanta ah ee dadkii dhintay isaga oo laflaf u caayaya waxaa lagu qaaday weerar ba,an oo tuuryo oo dagaal iyo cay ku jirto iyada oo la ogyahay inuu walaanyahay cajiib!!! Ninkii waalnaa ayaa yidhi nimanyahaw maxaad u leedihiin waxaan nahay muslin waxaad caabudaan ,Laata, Manata, iyo Cusaa waa sanamyadii reer quraysheede waxuu yidhi ninkii walnaa ilaa maanta waxaan ku Gefay ilaahay Swt Waxaan ku gefay Nebigeena suubaan Csw waxaan u gefay diinta islaamka cid iiga jawaabtay ma lahayn markaan caayay dadkan reer aakhiraadka ah ee aad ku abtirsataana waad ila dagaalanteen
Dadkii waxay noqdeen wax u garaaba oo aad ula yaaba qaladka bulshada , wax qosla iyo wax sii wada dagaalkii iyo hanjabaadii ay isaga ku hayeen)
Waxaan u soo qaatay tusaalahan waxaa umada soomaaliyeed arkaysaa nin madax ah ama ahaan jiray oo hadduu qalad galo aan la saxayn qaladkiisaa ee durbadiiba taageero iyo garbo ku helayaa
Waxaad arkaysaa masaakiin iyo umada shacab ah oo dhibaato iyo tacadi lagu hayo oo markaas aan wax u hadlayaa ama u doodayaa ama mudaaharaad iyo canbaarayn geysanayaa aysan jirin.
Waxaa la gaadhay waqtigii diintu sheegtay waayo umada soomaaliyeed waxay ku sifoobeen dad aan isu naxariisan , mustadcafka iyo kan liitana aan siinin xaquuqdiisaa, dad daalinka u gargaara madluunka ka hiiliya goorma ayay dhacaysaa in la helo cadaalad iyada oo cudurada aan sheegnay aan loo helin daawo.
Isku soo wada duub waa su,aal qaranka soomaaliyeed iyo shaqsi qabiil ka mida ah keeba weyn Dowladii dhexe ee soomaaliya waxay u dhimatay waa reer hebel waxna lagama faa,iidin oo wali way socotaa aanadii iyo godobtii waa reer hebel oo maalin walba waxaa dood qabta jufada madaxda ah maahee tan kale .
Isku soo wada duub waxaa dhawaanahan qoraalo iyo shirar iyo mudaaharaadyo loo dhigayay xadhiga gudoomiyihii hore maxamed cumar xabeeb. Maxamed dheere waxaana ka gilgishay dad badan balse maxaa loo waayay masaakiintii lagu laayay ex control banadir iyo iyo Ex fiyooraha wax canbaareeyaa ama u banana baxa ama hanjabaad ka gaysta inkastoo culumada iyo golayaasha dhaqanka qaarkood uga hadleen si wanaagsan oo masuulnimo ah balse maan arkin mana maqlin dad badan oo sida xadhiga gudoomiyaha uga gubteen uga gubanayaa dadka dhintay kuwa hada dhimnaya iyo dhibka dowlada iyo mucaaradkuba ku hayaan shacabka soomaaliyeed.
Haddii ay ku cadaato gudoomiyaha falka loo haysto dadka doodayaa saw iyaguna ma noqon doonaan danbiile hadiise sifo sharciya loo xidhay aduunka waa jirtaa taageero balse waa in qareen loo qabtaa dacwadiisaana maxkamada sare ee dowlada laga sugaa.
Cadaaladu waa waax ka mida maamulka waxaanan gaari lahayn horumar haddii ruux walba oo danbi gala la mariyo cadaalada madax iyo minjoba waayo ilaahay meesha cadaalad ka jirto wuu u naxariistaa xadhiga maxamed dheere waxaan aaminsanahay waa furaha cadaalada hadii la sii wadayo oo dhamaan danbiilayaasha qaran ee hore danbiyada u galay , dagaalka , lunsashada hantida qaran, iyo dhibaatooyinka wadanka ka jira hadii maxkamad la tiigsado kuwa ku jira baarlamaanka golaha wasiirada, hogaanka ciidanka madaxda sare waa wax wanaagsan maaha dadku lama taabtaan aduunyada horumartay waxaa maxkamad wada fuula shaqsi shacaba iyo ninka dalka haysta, Tusaale ahaan waxaa dacwad ku furantahay Ra,iisal wasaaraha Talyaaniga iyo gabar jirkeeda ka ganacsata bal eeg ma dhihin hala dilo ma dhihin maafiya halagu dalbo waxuu doonayaa is sharciya inuu uga baxo dacwadaas ama kuna dhamaato.
Waxaan hore marqaati uga ahayn tii Madaxweynihii hore ee maraykanka iyo hawaynayda ku oo eedaysay inuu ku xadgudbay ee ilaa heer maxkamadeed gaadhay aduunyada oo dhamina ogayd hadaba maxamed dheere ma qof ama shakhsi ka waynbaa sharciga mise waa muwaadin soomaaliyeed imisaa maxkamad wasiir iyo gudoomiye iyo general iyo ka badan la soo saaray imisaa madaxweyne la soo taagay waxaan umada soomaaliyeed u sheegayaa inay haddii meesha sharci yimaado sheegsheeg hadhan, haddii sharci daro jirtana shacabka soomaaliyeed ee maalin walba sharcidarada lagu hayo ayuu la qabaa Dowladu xaq uma laha inay ku xadgudubto muwadin soomaaliyeed oo aan waxba galabsan, Dowladu haday xeerkeedu yahay awood sheegasho waxaa ku waayay taas horeba kuwa ka xoog badnaa mana suuri doonto.
Haddiise dowladu haysato cadaymo iyo jid ay u soo marto muwaadinka waa xaq inay la xisaabtanto qof walba waana wax la yidhaahdo dowlad shaqadeeda ayaaba ah sidaa oo waa sharciga kala hagayaa shacabka kalana ilaalinayaa umada qof walbana u xadaynayaa awoodiisaa iyo xuquuqdiisa.
Qodob waa sax oo sharci maaha inaad tuhun qof ku qabsato adiga oo aan hayn cadayn balse haddii cadayni jirto waa xaq in qofka xeerka qabanayaa lala tiigsado lagu fuliyo haduu yahay xitaa Madaxweynaha wadanka haysta.
Waxaan ku soo koobayaa qoraalkayga hala dhawro jiritaanka qaranka hana layska dhaafo Qabiilka wax uu noo qabanayaa majirto aan ahayn qasaaraha maanta halkaa na dhigay waxaan kale oo u soo jeedinayaa dadka ku qaraabanayaa magacyada beelaha ee wax ku eedaynayaa inay iska daayaan oo ay magaciisa shaqsiyadeed qofku wax ku eedeeyo, hadaanu nahay reer hebel waa waxa nala hadhay ee halka na dhigay soomaaliyeey.
W/Q: Cabdiraxiin Hilowle Galayr
Galayr1977@hotmail.com
Qabiilka iyo Qaranka kee baa soomaalida la wayn?