Macalin Da'ud Macalin Nuur iyo Sheekh Qaasim Sheekh Cabdi iyo qaar kale oo ka mid ah Culimada Reer Warsheekh
Kulan diimeedkan lagu xusayay shiikha weyn shiikh c/raxman shiikh cumar iyo Sh. Muxumed shiikh c/raxman oo isna ah shiikh caalim ah oo Shiikh Cabdi wiilkiisa ah.
Sheekh Aweys Sheekh Muxidiin Sxbul Waqtiga Dariiqada Qaadariyah Soomaaliya iyo Sheekh Qaasim Sheekh C/raxman Ow Cumar
kulan diimeedkaan oo sanadkiiba mar lagu qabto xarunta Shiikh Cabdi Celi oo ku taal Degmada Warshiikh ee Gobolka Shabeelaha Dhexe, Waxaa ka soo qeyb galay dhamaan culumaa'udiinka Ahlu Sunnah Waljamaac gaar ahaan culimada Dariiqooyinka Sida Qaadiriyada,(Uweysiyo Seyliciyo) Axmadadiyo Saalixiyo,
Rufaaciyo,iyagoo isaga kala yimideen dhamaan gobolada dalka Soomaaliya ayaa waxaa halkaasi qudbooyin baraarujin ah ka soo jeediyay qaar ka tirsan culumaa'udiinka Soomaaliyeed ee kulankaas ka qeyb galay.
Sheekheena Sheekh Axmed Gabale iyo Sheekh Qaasim Sheekh Cabdi
kulankan ayaa sidoo kale waxaa fariin guud loogu diray shacabka Islaamka ah, gaar ahaan kuwa Soomaalida ah gudaha iyo dibada in ay ka fogaadaan waxyaabaha sababi kara dunuubta iyo fawaaxishada iyo waliba duco ay Masha'iqda U duceeynayaan Islaamka oo dhan gaar ahaan Soomaalida.
Mashaa’iqda ka soo qeeb gashay xuska ayaa waxa ka mid Shiikha Saxibul sijaajaha Dariiqada Qaadiriyada Somaliya ee dhawaan geeriyooday alaah u naxariisto Shiikh Aweys Shiikh Muxidin (Sh. Aweys Thani).
Sh. Axmed Sh. Max’ed Xasan (sh: Axmed gabale).
Sh: Max’ed Macalin Xasan.
Sh. Shanyaalow Sh: Max’ed Nuur Macalin( Luqman) oo ka mid ah mashaa'iqda waaweyn ee Soomaaliyeed isla markaana ka mid ah mashaa'iqda ka diin qaaday shiikheena weyn SH. C/raxman Sh. Cumar (Sh. Cabdi Celi) ayaa dhamaan u duceeyeen shacabka soomaaliyeed inuu alle- ku hagaajiyo waddada toosan, waxayna sidoo kale Masha’iqdu sheegeen in loo baahanyahay in umadda Islaamku ay is walaashadaan ayna isu jeclaadaan si Ilaah-Dartii ah.
W/D: Abdirahman Sheikh Abdullaahi
Webmaster Shabakada Warsheekh
E-mail: farxad95@hotmail.com Ama webmaster@warsheekh.com
Siyaaradii 24aad ee Caalimkii Weynaa Sh: C/man Sh: Cumar iyo tii 5aad ee Sh: Muxumed Sh: C/raxman 1426H iyo 2005
Kulan diimeedkan lagu xusayay shiikha weyn shiikh c/raxman shiikh cumar iyo Sh. Muxumed shiikh c/raxman oo isna ah shiikh caalim ah oo Shiikh Cabdi wiilkiisa ah.