War ay soo saareen sirdoonka wadanka Maraykanka ayaa waxay ku sheegeen in warar ay helayaan ay sheegayaan inuu noolyahay Cumar Xamadd oo loo yaqaan Abu Mansoor Al-amriki hase ahaatee uu qabo dhaawac ka soo gaaray dagaaladii ugu dambeeyay ee Muqdisho ka dhacay.
Wargeyska The Long War Journal ayaa cadadkiisii saakay ku sheegay in xubno ka tirsan FBI,da Maraykanka iyo CIA,da ay xaqiijiyeen inuu nool yahay oo ay beenowday inuu geeriyooday hase ahaatee wargeysku waxaa uu ku waramayaa in Abuu Mansoor uu ku dhaawacmay dagaalkii wadada Warshadaha ka dhacay oo lagu dabiibayo isbitaal ku yaala meel Soomaaliya ka mid ah sida uu sheegayo wargeyska oo xiganaya saraakiil sirdoonka Maraykanka ka tirsan.
“ Aragti ahaan ma cadaynayno in Abuu Mansoor uu geeriyooday waayo cadeymaha aanu hayno ma muujinayso geerida Abuu Mansoor hase ahaatee waxaan cadeynaynaa inuu ku dhaawacmay dagaal bishii hore Muqdisho” ayuu yiri sarkaal aan magaciisa sheegin oo FBI Maraykanka u hadlay.
Warku waxaa uu sheegayaa in xogta ay hayaan sirdoonka maraykanka ay muujinayso dagaaladii ugu dambeeyay ee Muqdisho iyo gobolada dalka ka dhacay ay ku geeriyoodeen tiro badan oo ka tirsan dagaalyahanada Xarakadda Mujaahidiinta Al-Shabab.
Sideedii bishaan ayay aheyd markii mar qura ay warbaahinta Maraykanku sheegeen inuu geeriyooday Cumar Xamadi oo Abuu Mansoor Al-Amriki uu ku geeriyooday magaalada Muqdisho xilli uu ka qeyb qaadanayay dagaal wadada warshadaha ka dhacay.
Ma jiro willi wax war ah oo kasoo baxay dhanka Xarakadda Mujaahidiinta Al-Shabab oo arrintaani ku aadan.
Al-Amriki ayaa la sheegay inuu ku dhashay gobolka Alabama ee dalka Maraykanka ayaa la aaminsan yahay inuu Soomaaliya u soo socdaalay sanadkii 2006 waxaana uu k biiray Xarakadda Al-Shabab sanadii 2007 waxaana la sheegaa inuu yahay hogaamiyaha ugu sareeya ciidamada Al-Shabab u dagaalama
Maraykanka Oo Shaaca Ka Qaaday In Uu Noolyahay Al Amariki