Urur Cusub oo looga Dhawaaqay Muqdisho

0
Tuesday March 29, 2011 - 12:07:05 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 940
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Urur Cusub oo looga Dhawaaqay Muqdisho

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gole Cusub oo lagu magacabo Golaha Nabadda iyo Midnimadda Ummadda Soomaaliyeed ayaa maanta loogaga dhawaaqay magaladda Muqdisho,Golahaasi oo ay ku mideeysan yihiin Qeybaha kala duwan ee bulshadda Soomaaliyeed.

Kulan Balaaran oo ay ka qeyb galeen Waxgarad,Siyaasiyiin iyo odayaal dhaqameeydyo ayaa lagu qabtay Hoteelka Bakin ee magaaladda Muqdisho.

Ujeedadda Golahaan loo abuuaray ayaa lagu sheegay inay tahay sidii Golahaasi ay uga shaqeyn lahayeen Nabad baaxad leh iyo Midnimada ummadda Soomaliyeed sidii loo heli laha loogagana hortagi lahaa kala gogo’a Qeybaha Bulshadda Soomaliyeed, sida maamul Goboleeydo, Xisbiyo Siyaasadeed, Magacaabid gobollo iyo Wixii la mid ah.

Sidoo kale Ku dhawaaqista Goalhaan ayaa lagu xusay in ay u hawlgeli doonaan sidii loo xalin laha Khilaafyadda baaxadda leh ee ka dhaxjira Bulshadda Soomaliyeed loona raadin lahaa ummad isku duuban oo ilaalisa Midnimadeda iyo wadajirkeedda, sida lagu heli karana ay tahay in la raadiyo dariiqii lagu dhalin lahaa Nabad iyo midnimo sugan.

Kulankaan Balaaran oo ay maanta Muqdisho ku yeesheen Xubnahaan ka kala socday qeybaha bulshadda Magaladda Muqdisho, ayaa lagu ansixiyay Xubnihii hogaamin laha Golahaasi, waxaana dood dheer iyo Falanqeeyn ay yeesheen xubnihii ka qeyb galay kadib ay isku raaceen Xubnahan, iyadoo ay ka kooban yihiin 5 Xubnood oo kala ah:

1, Suldan Abuukar Socdaal Abtidoon Gudoomiye.

2. Xusen Cusmaan sheikh Yuusuf G/Kuxegeen.

3. Maxamed Xaji Abdi Maxamed K/Labad.

4. Dr Muqtaar Sheikh Abuukar K/sedexaad..

5. Maxamed Ibraahim Iidoow Xoghayaha Guud

Gabagabadii Kulankaasi aaya waxaa Saxaafadda la ahadlay Gudoomiyaha Golahaasi Suldaan Abuukar Socdaal Abtidoon oo isagu faahfahin ka bixiyay ujeedadda loo abuuray golahaasi cusub, waxaana uu sheegay in ay muddo soo wadeen qorshaha lagu dhisayo, taas oo uu sheegay in ay ahayd 2o-kii Janaayo 2011 ilaa iyo maanta oo lagu dhawaaqay , waxuuna uu hoosta ka xariiqay in golahan uu u hawlgeli doono sida ugu dhaqsiyaha badan talabadda koowadna ay tahay in uu u saanqado dhinaca Nabadda iyo isku keenidda Ummadda Soomalaiyeed ee kala afkarta duwan, isagoo ugu baqay inay gacan ku siiyaan shacbiga Soomaliyeed sidii ay ugala shaqeeyn lahaayeen meelmarinta Qorshaha Golahan Cusub.


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip