Siyaaradii 25aad ee Caalimkii Weynaa Sh: C/man Sh: Cumar iyo tii 6aad ee Sh: Muxumed Sh: C/raxman 1427H iyo 2006

0
Wednesday July 23, 2008 - 19:09:46 in Siyaaro by Xarunta Dhexe
  • Visits: 4403
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaaradii 25aad ee Caalimkii Weynaa Sh: C/man Sh: Cumar iyo tii 6aad ee Sh: Muxumed Sh: C/raxman 1427H iyo 2006

    WARSHIIKH, SOMALIAx 14/12/1426h-14/01/2006. Waxaa ka dhacay degmada warshiikh ee duleedka gobolka shabeelaha dhexe siyaaradi weyneed ee masha'iqda ahlu sunada wal jamaaca ee SHEEKH C/RAXMAN BIN SHEEKH CUMAR IYO SHEEKH MUXUMED BIN SHEEKH C/RAXMAN

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

WARSHIIKH, SOMALIAx 14/12/1426h-14/01/2006. Waxaa ka dhacay degmada warshiikh ee duleedka gobolka shabeelaha dhexe siyaaradi weyneed ee masha'iqda ahlu sunada wal jamaaca ee SHEEKH C/RAXMAN BIN SHEEKH CUMAR IYO SHEEKH MUXUMED BIN SHEEKH C/RAXMAN

 


Dikriga Seyliciyada oo la oogayo Jameecada Reer Sheekh Cabdi


Sheekh Axmed Gabale iyo Sheekh Qaasim Sheekh Cabdi

Siyaaraadkaan ayaa waxaa ay ka mid yihiin xafladaha ugu waa weyn ee lagu sameeyo caalamu islaamka gaar ahaan somaliya qaasatan dariiqa suufiya wiliba dariiqada qaadiriya.

 Siyaaraadkan ayaa sanadi mar waxaa lagu dhigaa guud ahaan dalka somalia gaar ahaan degmada warshiikh iyada oo siyaaraduna socoto mudo bil ah oo ayna bilaabato had iyo jeer 14/arafo/rabiicu thani lana soo gaba gabeeyo 13/zako/muxaram.

 Qur'aan aqriska siyaaraadka ayaa waxaa uu bilaawday 14/12/1426h/14/01/2006m Subacyada siyaaraadka ayaa bilaawday 01/01/1427h kuna beegan 11/02/2006m iyada oo banaan baxyada siyaaraadka ay kala dhaceen 10/01/1427h ahna 09/02/2006m iyo 12/01/1427h ahna 11/02/2006m. Siyaaradkaan ayaa si aad iyo aad u weyn looga wada tagaa dhamaan gobolada dalka iyada oo intaan kasii balaarneed xiliga uu dalku lahaay maamul dhexe.

 Siyaaraadkan ayaa waxaa ka qeyb galo culuma'udiinka somaliyeed ayaga oo wacdi iyo tusaalooyin ugu soo jeediyo in ilaah uu dalka iyo dadka somaliyeed u soo dajiyo nasri qeer leh sidoo kale ayaa waxa ka dhacay inta ay socotay xuska masha'iqda muxaadirooyin waa weyn oo dadka caamada ah ee somaliyeed looga digo kooxaha raad raaca iftiinak islaamka jah wareeriyay in ay ka fogaadaan oo wax aqoon ah ulaheen diinka sidoo kale ayaa waxa ay masha'iqda soo ban dhigeen taariikhda masha'iqda, (taariikhda oo faah faahsan insha'alaah webka ayaan idin soo gili doonaa).

 Masha'iqda halkaa sida aadka ugu hadashay ayaa waxa ka mid ahaay Shiikh Cismaciil Cali Cumar iyo Shiikh muuse maxamed Rooble oo ah culimo aad uda'yar isla markaana ka mid ah talaamiida ama ardayda, Sh: muxumed Sh: C/man ayaga oo inta aysan wacdin fasax iyo idin ee ka qaateen masha'iqda ka waa weynaa ee halkaas iskuugu yimid taas oo culimada ahlsuna waljamaaca ee ugaar tahay is ixtiraamid iyo weyneenta masha'qda waa weyn iyadoo ugu danbeyntii ijaasada qaadiriyada meeshaa looga qaatay sxbul waqtiga ee dariiqada qaadiriya asayid shiikh axmed bin shiikh uweys.


Sheekh Axmed Gabale oo ka dul Duceynaayo baabuurkiisa dushiisa

 Culimada ka soo qeyb gashay siyaarada ayaa waxa ka mid ahaa:
1 SH: AX'ED SH: MAX'ED XASAN (GABALE)
2 SH: AX'ED SH: AWEYS SH: MUXIDIN SH: AWEYS ALQAADIRI (SAAXIBUL SIJAAJATUL QAADIRIYA )
3 SH: SHANYAALOW SH: MAX'ED(ALUQMAANI)
4 XAAJI C/LAHI X. MAX'UD (ABGALOW)
5 SH: MAX'ED SH: C/QAADIR SH: OWYAAYE
6 SH: C/MAN SH: CADE SH: IKER SH: MAX'ED SH: SUUFI
7 MACALIN NUUR MAX'ED SIYAAD
8 SH: MAX'UD CALI (WACEYS)
9 SH: AXMED BARRE
10 SH: MUUSE MARACADE
11 SHARIIF ABA NUUR SHARIIF HAASHIM
12 REER SHIIKH AXMED XAAJI CABDI
13 REER SHEEKH CALI CILMI YARE
14 REER SHIIKHAAL LOOBOGE

IYO masha'iq kale oo fara badan oo inta aan lagu soo koobi karin iyada oo qaban qaabada siyaarada lahaayeen dhamaan owlaada reer shiikh c/raxman shiikh cumar.

 

W/D: Abdirahman Sheikh Abdullaahi
Webmaster Shabakada Warsheekh
E-mail:
farxad95@hotmail.com Ama webmaster@warsheekh.com

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip