Siyaaradii 26aad ee Caalimkii Weynaa Sh: C/man Sh: Cumar iyo tii 7aad ee Sh: Muxumed Sh: C/raxman 1428H iyo 2007

0
Wednesday July 23, 2008 - 19:40:06 in Siyaaro by Xarunta Dhexe
  • Visits: 4130
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaaradii 26aad ee Caalimkii Weynaa Sh: C/man Sh: Cumar iyo tii 7aad ee Sh: Muxumed Sh: C/raxman 1428H iyo 2007

    Siyaaradii caalimiintii weynaa ee caarifiinta ahaa Sh. C/raxmaan Sh. Cumar iyo Sh. Max'ed Sh. C/raxmaan ayaa ka dhacday meela badan oo adduunka ka mid ah, Iyadoo ixtifaalka ugu waynaa uu ka dhacay halka ay ku aasan yihiin mashaaiqda oo ah Deg-Wa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaaradii caalimiintii weynaa ee caarifiinta ahaa Sh. C/raxmaan Sh. Cumar iyo Sh. Max'ed Sh. C/raxmaan ayaa ka dhacday meela badan oo adduunka ka mid ah, Iyadoo ixtifaalka ugu waynaa uu ka dhacay halka ay ku aasan yihiin mashaaiqda oo ah Deg-Warshiikh ee G/sh/dhexe oo 60 Km dhinaca bari Muqdisho uga beegan.

 

za
 Warshiikh ayaa ah jaamacadii ugu wayneed ee ay mashaaiqda ka fidin jireen diinta, Sh. C/raxmaan Sh. Cumar oo ahaa sheikh caan ka ahaa Dalka gudihiisa iyo Dibada ayaa waxaa uu mowlacyo ku lahaa magaalooyinka Warshiikh, Cadale, Muqdisho, Marko, iyo Magaalada Baraawe.

 Sheekha ayaa Culuumta Carabiyada, Tafsiirka, Axadiista Rasuulka CSWS, Caqiiddada, Fiqhiga, Taswufka iyo funuun badan oo kamid ah culuumta diinta Islaamka ku bari jiray talaamiid aad u fara badadan magaalooyinkan iyagoo ka imaan jiray gobolada dalka oo dhan,

 Iyadoo dadaalka shiikha halkiisa kasii waday Caalimka uu dhalay shiikha ee wiilkiisa curudka ah ee Sh: Max'ed Sh: C/raxman oo halkii iyo tartiibtii shiikha halkeedi kasii waday marka shiikha ilaah owfsaday iyo intii oo noolaa intaba,

Shiikh Mux'ed ayaa martabada uu maanta gaaray ku gaaray weyneenta culimadi ka horeesay iyo ciseenta waalidkiis Caalimki ahaa waliga mukaramkana ahaa ee Sh: C/raxman Sh: Cumar (Sh: C/Celi) iyadoo taana markaati ka tahay in ilaah owfsaday Sh; Max'ed xili siyaarada Aabihiis Sh: Cabdi lagu guda jiray taana ka dhigtay in hal mar la wada siyaarto

 Siyaaraadka Masha'iqada oo socoto mudo bil ah ayna bilaabato had iyo jeer 14/arafo/rabiicu thani lana soo gaba gabeeyo 13/zako/muxaram.Qur'aan
aqriska siyaaraadka ayaa waxaa uu bilaawday 14/12/1427h, Subacyada siyaaraadka ayaa bilaawday 01/01/1428h iyada oo banaan baxyada siyaaraadka ay kala dhaceen 10/01/1428h iyo 12/01/1428h..

 Siyaaraadkan ayaa waxaa ka qeyb galo culuma'udiinka somaliyeed ayaga oo wacdi iyo tusaalooyin ugu soo jeediyo Dadka i in ilaah ka cabsadaan ayna qabsadaan Xariga alle isla markaana alle uga baryay in uu dalka iyo dadka somaliyeed u soo dajiyo nasri qeer leh,

 Masha'iqda halkaa sida aadka ugu hadashay ayaa waxa ka mid ahaa Saxibul Waqtiga ee gogosha lahaa Asayid Sh: Qaasim Sh: C/raxman iyo Naa'ibul Caamka Dariiqada Qaadariya Sh: Max'ed Xasan, iyo Sh: Ax'ed Sh: max'ed Xasan (Al Gabale) iyadoo ugu danbeyntii ijaasada Ijaasada Dariiqada qaadiriyada meeshaa looga qaatay sxbul waqtiga Dariiqada Qaadiriya Asayid Shiikh Axmed Bin Shiikh Aweys Bin Sh: Muxidiin Bin Sh: Aweys Dhere .

 Culimada ka soo qeyb gashay siyaarada ayaa waxa ka mid ahaa:

• Saaxibul Sijaajatul Dariiqa Qaadariya Sh: Ax'ed Sh: Aweys

• Naa'ibul Caam Dariiqada Qaadariya Sh: Max'ed Xasan

• Sh: Ax'ed Sh: Max'ed Xasan (Gabale)

• Sh: Xuseen Sh: Max'ed Faqay Yuusuf

• Macalin Max'ud Sh: Xasan (Gudomiye Ahlu suna Waljamaca)

• Sh: Muuse Maracade

• Sh: C/man Sh: Cade Sh: Iker Sh:Max'ed Sh.Suufi

• Macalin Nuur Max'ed Siyaad

• Sh: Max'ud Ow C/lle Cariif

• Sh C/risaaq Sh: Xasan Cadow

• Shariif Aba Nuur Shariif Haashim

• Reer Sh: Max'ed Nuur (Aluqmaani)

• Reer Shiikh Axmed Xaaji Cabdi

• Reer Sheekh Cali Cilmi Yare

• Reer Shiikhaal Looboge

 Iyo masha'iq kale oo fara badan oo inta aan lagu soo koobi karin iyada oo qaban qaabada siyaarada lahaayeen dhamaan owlaada reer shiikh C/raxman shiikh Cumar.

W/D: Abdirahman Sheikh Abdullaahi
Webmaster Shabakada Warsheekh
E-mail:
farxad95@hotmail.com Ama webmaster@warsheekh.com

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip