Gacma Dheere Oo Isku Soo Sharaxay Jagada Madaxtinimada

0
Saturday April 23, 2011 - 12:53:55 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 918
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gacma Dheere Oo Isku Soo Sharaxay Jagada Madaxtinimada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus



Md.Maxamed Sheeq Maxamuud Guuleed(Gacmodheere) ayaa ku biiray ragga u taagan inay u tartamaan xilka madaxweynaha Soomaaliya xilliga kala guurka marka la gaaro bisha ogos ee sanadkan.

Shalay ayaa munaasabad uu soo qabanqaabiyayoo ay kasoo qeybgaleen qeybaha bulshada kasoo jeeda Beesha Saleebaan ayaa lagu taageeray Musharaxnimadda Gacmadheere oo ka codsaday beeshiisa inay gacan ku siiyaan rajadiisa ah inuu noqdo madaxweynaha Soomaaliya ee mustaqbalka.

"Waxaan rajeynayaa hadaad i dhiiri galisaan inaan meel wanaagsan gaari karo waxaana idinka doonayaa taageeradiina si aan ugu guuleysto madaxwenaha soomaaliya xiliga kala guurka"Ayuu yiri Gacmo dhere.

Nabadoon Axmed Diiriye oo ku hadlayay magaca odayaasha dhaqanka beesha saleebaam ayaa muujiyay inay taageero hiil iyo hoo ahba la garab taagan yihiin musharaxooda gacmodheere isagoo ugu duceeyay inii ALLA u sahlo xilkaas culus oo aam mudadiisa la gaarin.

Mudane Gacmo-dheere ayaa horay xilal kala duwan uga soo qabtay xukuumadihii dalka soo maray isagoo noqday wasiirkii warfaafinta xiligii xukuumadii Cali Mahdi marna saacado kooban hayay xilka ra'iisalwasaaraha xiligii qilaafka siyaasadeed ee xukuumadii C/laahi yuusuf inkastoo mudadaa ka dib uu tagay landan hadana lagu diray liiska siyaasiyiin xadgudubyo ka geystay colaadii Soomaaliya.


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip