Xildhibano Ka Warbixiyay Caqabada Hortaagan Baarlamaanka

0
Saturday April 23, 2011 - 13:02:31 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1759
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibano Ka Warbixiyay Caqabada Hortaagan Baarlamaanka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus


Hotelka Ambassador ee magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay kulan ay isugu yimaadeen in ka badan 100-Xildhibaan oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Baarlamaanka, waxaana xubnaha kulanka ka mid ah guddiyada Golahaasi uu leeyahay, iyagoo kulankooda uga hadlay dib u dhaca ku yimid fadhiyada Baarlamaanka, khilaafka hay'adaha dowladda iyo madaxda xukuumadda KMG ah, kaasi oo hareeyay guud ahaan horumarka xukuumadda iyo waxqabadkii laga sugaayay.

Kulanka Xildhibaanada ayaa sidoo kale looga hadlay caqabada hortaagan kalfadhiyada Golaha Baarlamaanka, waxayna sheegeen inuu sabab u yahay Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ay ku eedeeyeen inuu caalamka ka iibinayo Baarlamaanka, isla markaasina uu yahay diktatoor sameynaya wixii uu doono ee aan marnaba wax la tashiyo ah la sameynin Xildhibaanada Baarlamaanka.

"Baarlamaanka 550-qofood ka kooban hal nin jeebkiisa ma qaado" ayuu yiri Xildhibaan Cali Nuur Aadan oo sheegay in Shariif Xasan uu hor istaagay muddo dhowr jeer ah fadhiyada Golaha Baarlamaanka, wuxuuna sidoo kale ku eedeeyay inuusan wax jawaab ah ka bixin Shariif Xasan qoraallo ay u soo gudbiyeen guddiyada Baarlamaanka oo ku saabsan sidii ay u gudan lahaayeen howlaha horyaala.

Dhinaca kale waxaa gabagabadii shirka Xildhibaanada Baarlamaanka ka hadlay mudanayaasha kala ah: Xildhibaan Maxamed Dhaqane Aar, Xildhibaan Cawad Axmed Cashara, Xildhibaan Seynab Maxamed Caamir iyo qaar kale, kuwaasi oo dhammaantood sheegay in Guddoomiyaha Baarlamaanka uu afduub ku heysto Golaha, iyagoona ku hanjabay inay ka jawaabi doonaan arrintaasi, isla markaasina waxay caddeeyeen Shariif Xasan inuusan gudan karin xilkiisa iyo inuu ka shaqeeyo khilaafyada hay'adaha dowladda sida Xukuumadda, Baarlamaanka, Maxkamadda Sare iyo qeybaha kale ee Xukuumadda KMG ah.


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip