ruux walba oo adduunka dushiisa saaran waxa uu jecel yahay in uu ku noolaado farxad,nabad, hor umar uuna hiigsado darajooyinka sar sare ee nolosha.
sanadahaan danbe waxaa kor u gacay xaaladaha furitaankai iyo bur burka qoyska, balse waxaa jira qoysas badan oo guur goodii ku raagay oo sifiican ugu guuleystay ,waxase hubaal ah kuwa guuleystay in aysan bilaash ku guuleysan oo ay u soo mareyn dhibaatooyin fara badan una sabreyn nolosha ay ku jireyn taa oo keeni laheyd burbur ku dhacay guurar kale oo iyaga la mid ahaa.
maxaa keenay furitaan ka qoysas badan in ay kala tagaan ?
inta badan dhalinyarada guursanaya waxa ay ku saleeyaan guurkooda quruxda , dabeecada iyo dhaqalaaha inta badan qofka kuma saleayaan guur kiisa tan heysata dhaqanka diinta islaam ka, nabigeyna mohamed (nnkh)waxa uu yiri haddii aad guursaneysaan dumar waa 4 qeybood.
1)quruxdeyda (2)maal keyda (3)cidda ay ka soo jedo 4)diinteyda tan afaraad ayaa ah haddi aad guursaneyso xaas wanaagsan oo ku dhaqeysa caruurtaada tarbiyada islaamka inta kale waa kuwa baaba oo aan joogeyn boos kooda.
inta badan furitaanka labada is qaba waxa sii murjiya xaalada haan soo socda is fahami la,aan,beenta,wax isdaba marin ,ismaqli la,aan ,kalsooni darro,kala shaki, wada shegeysi la,aan marka la isla aqal galo oo qof walba iska dhigaayo mid wax walba og, isla fikir gelikiisa ah oo aan u sheganeyn qof ka kale, dabeecadii gurika marka la aqal kale oo isgu badaleyso waji cusub oo ka duwan tii banaan ka ay ku soo wada qaateyn taa markii hore qof walba soo bandhigaayey wanaagiisa uun .
kataradaaan marka ay yimaadaan waxaa hubal ah guryo badan oo dhisnaa in ay noqona yaan kuwa bur bura oo u badkii ku dhashaana uu u danbeynaayo dayac xuma taa o ay sab u ahaayen labadii dhashay oo aan noqon kuwa is hanta carurta ay dhalayna wax wanaagsan aysan ka dhaxlin
haddii xaalku sidaan yahay sidee lagu bad baadin karaa qoysas badan oo dumi lahaay? loona bad baadin karaa caruurta ?
guusha guurka ayaa ah
laamanaha is guur sanaayo waa in ay marka hore isgu soo doorta alla dartii ayna isgu soo xushaan dabeecad wanagsan iskana ilaaliyaan khiyaanada, beenta ,wax is daba marinta,
danta guurka ayaa ah in ay lamanaha is qaba ay ugu taan wajibaad kooda si xaal ah oo alle fare ayna sameeyaan is ixtiraamid,sinaan , shumin ,soo dhaweyn ,wada sheyn iyo ficil kasta oo adgeyn kara jaceyl jaceylka lamanaha is qaba, markaas waxaa hubal ah in uu guur kaas noqonayo mid lagu waaro ubad kii ku dhashaana uu qaadayo wado fiican taa oo ay u soo xaareyn labadii dhashay.
ugu danbeyntii waxaan lee yahay naf buuxda ma jirto qof walbana qald waa ka dhacayaa carab iyo ilka ayaa isgu dhaw iyagana wa isgu dhacaan lamanaha is qabo waa in ay wax walba oo dhib ah oo soo wajaha waa in ay u dul qaataa sabarkana ay badshaan wixii aad adiga jeceshahay waa in aad qof kalane la jeclataa guusha halkaa ayey ku jirtaa.
axmed cabadulahi farax (ahmed ac)–
axmed_qalinle@hotmail.com
ahmed_ac@hotmail.com
guusha guurka wanaagsan– Qalinkii axmed qalinle
ruux walba oo adduunka dushiisa saaran waxa uu jecel yahay in uu ku noolaado farxad,nabad, hor umar uuna hiigsado darajooyinka sar sare ee nolosha