Madaxweyne Axmed Madoobe oo Maanta furay shirka Amniga ee Dowladaha xubnaha ka ah JFS + Sawirro

0
Wednesday November 07, 2018 - 13:55:53 in Wararka by Warsheekh Muqdisho
  • Visits: 1082
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo Maanta furay shirka Amniga ee Dowladaha xubnaha ka ah JFS + Sawirro

    Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa furay shirka Wasiirada amniga Dowlad Goboleedyada oo ay ka qayb galayaan Taliyayaasha Hay'ada nabadsugida Dowlad Goboleedyada dalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa furay shirka Wasiirada amniga Dowlad Goboleedyada oo ay ka qayb galayaan Taliyayaasha Hay'ada nabadsugida Dowlad Goboleedyada dalka.

Madaxweynaha ayaa furitaanka shirkan ka sheegay in ay Wasiiradu qiimayn ku samayn doonan xaalada amni kadibna ay go'aamo ka gaari doonan howlaha horyaala oo ay ugu muhiimsan tahay dhismaha Ciidamada isku dhafka ah.

Kaalintan ayuu Madaxweynahu sheegay in ay lahayd Dowlada Federaalka ah balse ayna kasoo dhalaalin taas badalkeedana ay ku mashquushay burburka dalka iyo arqaladayn joogto ah wuxuu sheegay Madaxweynahu in ay dardar galin doonan iskaashi buuxa oo dhinaca amaanka ah isla markana Ciidamada la isku keeno ay fulin doonan howlgalo qorshaysan oo lagu xasilinayo dalka.

Mudane Axmed Maxamed Islaam Madaxweynaha Jubbaland wuxuu intaas ku daray in Dowlad Goboleedyada hadba sida ay ugu kala muhiimsan yihiin dhinaca amniga howlgalada loo qaybsan doono isla markana la cirib tiri doono kooxda Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayuu Madaxweynahu sheegay in awood ahaan ay hoos u dheceen balse ay wali yihiin caqabad jirta oo xal u baahan ayna tahay in si wadajir ah loola dagaalamo.

Dib u heshiisinta dalka iyo xaaladahii ka taagna Gaalkacyo ayuu sheegay in ay yihiin tusaalaha sida ay muhiimka u tahay in wax walba jawi dagan lagu xaliyo isagoo xusay in dhismhii galmudug iyo isku keenida Ahlusuna iyo Maamulka ay tahay shaqo in la amaano mudan ee ayna ahayn in galmuddug dib loogu celiyo halkii ay ka timid isagoo ka digay faragalinta ay Dowlada Federaalku galmudug ku hayso.

Madaxweynahu wuxuu xusay in Dowlada Federaalka ah ay mashquul ku tahay burburinta wixii laso dhisayay mudo dheer iyo xasilooni daro dalka oo dhan ku baahda wuxuu sheegay in ay taasi bidhaamisay sida ay dabka uga shidayaan Koonfurgalbeed waxa halkaas kasocdana aan la aqbali karin.

"Puntland waxay jirtay mudo labatan sano ah waligeed doorasho ayaa ka dhici jirtay ma Dowlad Federaal ah ayaa qaban jirtay xiita doorashooyinka Federaalka ayaaba maalmo dib u dhici jiray sidaas oo kale ree Koonfur Galbeed waxaa ay u diyaar garoobeen doorasho bishan dhexdeeda dhacaysa ma garan karo sabab loogu duulo oo Xildhibaanadii Xamar loogu xanibo wakhti ay ahayd in ay shaqadooda qabsadaan" ayuu yiri Madaxweynahu.

Madaxweynaha waxaa uu intaas ku daray in ay masuuliyiinta dalku aanay war ka ahayn wixii lasoo maray iyo halka uu wadanku ka yimid taasina ay daliil u tahay sida aan khasaaro ka baydhka lahayn ee ay xaaladaha soo wajaha u maaraynayaan oo khatar ku ah dalka.

Ganacsigii iyo dhaqaalaha ayuu sheegay in Al-Shabaab ay siday doonan uga macaashan iyadoo xiita meelaha Dowladu ay joogto ay dhaqaale fara badan ka helaan wuxuu sheegay Madaxweynahu in ay waajib tahay in Dowladu ay qaska iyo burburka u badasho dhismaha dalka iyo sidii Argagixisada loogu midoobi lahaa.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip