Madaxda K/Afrika iyo Zimbabwe oo ka hadlaya Tahriibka Somalid

0
Saturday May 07, 2011 - 19:34:18 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1117
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxda K/Afrika iyo Zimbabwe oo ka hadlaya Tahriibka Somalid

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madax ka tirsa hay’adaha ammaanka wadamada Koofur Africa iyo Zimbabwe ayaa ka arrinsanaya sidii ay iskaga kaashan lahaayeen qaxootiga faraha badan ee Soomaalida ah iskaga dhex gudba xaduudaha wadamadaasi.

Madaxdaan oo kulan ku leh magaalada xaduuda labada wadan u dhaxeysa ee Bait Bridge ayaa waxay kaga hadlayaan sidii ay uga hor tagi lahaayeen tahriibayaal badan oo Soomaali ah kuwaasoo qaab dhuumaaleysi ah ku mara xaduuda u dhaxeysa Koofur Africa iyo Zimbabwe kadib markii ay ka carareen dhibaatada Soomaaliya ka jirta

Warar hor dhac ah oo kulanka laga helay ayaa sheegaya in labada dhinac ay isla garteen in ciidamada xaduudaha labada dawladood wada shaqeeyaan si ay ula socdaan dhaq dhaqaaqyada tahriibayaasha ku q ul qulaya wadanka South Africa gaar ahaan agagaarka wabiga Zambezi oo ah halka ugu badan ee tahriibayaasha wado ahaan u adeegsadaan.

Madaxa xafiiska tiro koobka dalka Zimbabwe Clemence Masango, ayaa u sheegay inay kala hadleen madaxdii ay la kulmeen inay muhiim tahay in indho gaar ah lagu eego dadka tahriibayaasha ah ee labada dalka iskaga gudba.

Dhawaan tiro badan oo Soomaali ah ayay ciidamada illaalada xaduudaha ee Zimbabwe gacanta ku dhigeen xilli ay isku dayayeen inay ka gudbaan xadka u dhaxeeya wadamada Koofur Africa iyo Zimbabwe.

Tiro badan oo Soomaali ah ayaa bil walba gudaha u gala wadanka Koofur Africa kadib markii ay ka gubaan xaduudaha wadamo badan oo African ah dhibaatana ay kala kulmaan.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip