Somaali Si Sharci Daro Ku Gashay Mozambique Oo La Qabtay

0
Friday May 13, 2011 - 11:30:22 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1057
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaali Si Sharci Daro Ku Gashay Mozambique Oo La Qabtay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus


Soomaali farabadan ayaa laga soo qabtay xuduuda dalka dalka Mozambique xilli ay doonayeen in ay si sharci darri ah ay ku gaaraan dalka South africa oo ay ka raadsanayeen nolol dhaanta tan dalkooda ee dagaalada ku habsaday.
 
dadka tirada badan ee la qabtay ayaa la sheegay in ay isugu jireen Soomaali iyo Ethiopian oo dalka Mozambique si sharci darri ah ku joogay islamarkana doonayay in ay ugu soo safraan dalka South africa oo ay ka raadsanayeen shaqooyin si ay u maareeyaan noloshooda.
 
Wakiilka Hey'adda qaxootiga ee Q.M UNHCR ee dalka Mozambique Gebre Cristo ayaa tilmaamay in dadkan qaxootiga ah ee ay soo qabteen Policeka dalka Mozambique in ay u sameeyeen dib u dejin oo ay geeyeen xerada qaxootiga ee Matarane islamarkaana ay u qeybiyeen cunno iyo adeegyada kala ee daruuriga.
 
Xereda qaxootiga ee la geeyay dadkan lasoo qabtay ayaa la sheegay in ay horey ugu jireen dad badan oo Soomaali ah, waxaana lagu soo waramayaa in xerada ay noqotay mid ay ku nool yihiin qaxooti xad dhaaf ah ikyadoo imika qaxootiga ku nool ay gaarayaan ilaa 10 kun oo qof oo kasoo kala jeeda dalal kala duwan oo ay kamid tahay dalka Soomaaliya.
 
Dadka Soomaalida ayaa inta badan lagu xiraa dalka Mozambique kadib marka lagu soo qabto iyagoo usii gudbaya dalka South africa oo ay aamin sanyihiin in ay ka helayaan nolol dhaanta tan dalkooda ee ay ka jirto shaqo la'aan amni darri iyo dhibaatooyin kale oo aad u fara badan.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip