Wararki ugu dambeeyay ee Magaalada Muqdisho oo gashay xaalad cakirnaan ah.

0
Monday December 27, 2021 - 11:14:53 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 931
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wararki ugu dambeeyay ee Magaalada Muqdisho oo gashay xaalad cakirnaan ah.

    Magaalada Muqdisho ayaa gashay xaalad cakiran oo dhanka siyaasada ah kadib marki ee laba garab ukala jabeen xulufadi kumideesnaa dowlada Soomaaliya kuwaasi oo ee kala hogaaminayaaan madaxweyne Farmaajo iyo Ra'isul wasaare Rooble.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Muqdisho ayaa gashay xaalad cakiran oo dhanka siyaasada ah kadib marki ee laba garab ukala jabeen xulufadi kumideesnaa dowlada Soomaaliya kuwaasi oo ee kala hogaaminayaaan madaxweyne Farmaajo iyo Ra'isul wasaare Rooble.


Xiisadda ayaa kasii dartay, markii uu xalay saq-dhexe Farmaajo uu shaaciyey inuu shaqo ku joojin ku sameeyey Rooble, oo uu ku eedeeyey musuq-maasuq iyo ku tarfal awoodeed.

Qeybo kamid ah madaxtooyada iyo wadooyin halbowle yaal ah ee xalay ilaa saakay xiran yihiin kuwaasi oo lasoo dhoobay ciidamo kuhubeesan hubka nuucyadiisa kala gedisan.

Dhanka madaxweynaha ayaa waxa la moodaa iney udiyaar garooween shaqaaqo dhici karta, halka dhanka Ra'iisul wasaaraha ilaa iyo hada laga dareemayo iney wadaan dib isu aruurasho dhanka siyaasada iyo militariga.

Shacabka Muqdisho oo umuuqda kuwa quus ka taagan qilaafka hareeyay madaxda dowlada yaa indhawaalaba waxa ee ahaayeen kuwa dhibsaday dagaalada ragaadiyay magaaladooda iyagoo marki horena dhibaato xoogan ka heesatay kudhax noolaanshaha dowlada iyo Alshabaab kuwaasi oo laba canshuurood mid waliba dhankiisa ka qaato halka iminka ee ugu sii biirtay dhibaatadoodi hore dowladi oo laba kala noqotay xili uu dalka wajahayo qal qal siyaasadeed kii ugu xumaa.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaana xaaladdu ay u muuqataa mid haatan kasii dareysa, iyada oo lagu jiro xilli adag iyo marxlad doorasho.



Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip