C/rashiid Max’ed Xiddig Oo Sheegay in ay ku Wajahanyihiin Baardheere

0
Friday May 20, 2011 - 12:07:44 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 857
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    C/rashiid Max’ed Xiddig Oo Sheegay in ay ku Wajahanyihiin Baardheere

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaaradda Gaashandhiga Xukuumadda KMG Soomaaliya ayaa sheegtay inay gobolada Jubooyinka ay ka wadaan abaabul kii ugu xooganaa, iyadoo dhinaca kale ay sheegtay in xiligaani aysan u muuqan awood ay Shabaabku ku horistaagi karaan Ciidamada dowladda.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda KMG Soomaaliya C/rashiid Max’ed Xiddig ayaa waxa uu saxaafada u sheegay isagoo ku sugan degmada Dhoobley ee gobolka Jubada Hoose in ciidamada dowladda ay ku jiraan abaabul kii ugu xoogganaa ee ku aadan la wareegida deegaanada iyo degmooyinka ay ka taliyaan Xarakada Al Shabaab ee gobolada Jubooyinka iyo Gedo.

C/rashiid Max’ed Xiddig ayaa waxaa uu sheegay in ciidamada dowladda goobaha ay ku wajahan yihiin ay ka mid yihiin degmooyinka Baardheere, Bu’aale, Afmadow iyo Badhaadhe halkaasi oo ay gacanta ku hayaan Xarakada Shabaab, wuxuuna intaasi raaciyay inaysan sharki ka qabin awood muuqata oo uu sheegay in Shabaabku ay ku horistaagi karaan Ciidamada dowladda KMG ah.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda KMG Soomaaliya ayaa waxaa uu beeniyay in qilaafaad uu u dhaxeeyo Saraakiisha Ciidamada dowladda iyo kuwa Raskmabooni, isagoo carabka ku dhiftay inay si caadi ah u socdaan howlihii ay sida wada jirka ahaa ugu sugayeen amaanka.

Xarakada Al Shabaab ayaa horey waxaa ay u sheegeen inay iska difaacayaan weerar kasta oo kaga yimaada Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya, iyagoo sidoo kale ku micneeyay ka bixitaankii deegaanadii ay gacanta ku hayeen ee gobolka Gedo xaalado dagaal, waxaana ay intaasi ku dareen inaysan joojin doonin dagaalada ay kala horjeedaan ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip