Xildhibaan Maxamuud Geedi: " 51 Sanno Ka Dib Waxay Taladu Taagan Tahay Somaliya Haddii Aysan ayadu Tashan Kareyn Haloo Taliyo Ee Yaa Ka Mas'uul Ah Tacadigaan?."

0
Friday June 03, 2011 - 13:13:36 in Maqaallo by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1109
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Maxamuud Geedi: " 51 Sanno Ka Dib Waxay Taladu Taagan Tahay Somaliya Haddii Aysan ayadu Tashan Kareyn Haloo Taliyo Ee Yaa Ka Mas'uul Ah Tacadigaan?."

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Inteyna badan waxaan ogsoonahay inay Somaliya xurriyadeeda qaadatay July 1st 1960kii, iyada oo muddaddaas , hadda laga joogo " 51 sano" ( over a half century),laga soo bilaabo markii ay Soomaliya qaadatay xurriyadeed ilaa xilligaan, Somaliya waxay soo martay dhowr marxaladood oo kala duwanaay, haddii ay noqon laheyd 1960kii ilaa 1969kii oo wadanka ay xukumeysey dowlad "civil" aheyd. Oktoober 21st, 1969kii ilaa December 31st 1990kii Rajiim Militari ahey. Iyo January 1st, 1991kii ilaa waqti xaadir oo lagu jiro fowdo bedesha fowda ka sii xun fowdaddii hore " chaos to chaos".

Inkastoo dhowrkii asbuuc ee la soo dhaafay ay Ciidamada FKMG, iyagoo kaashanaaya kuwa AMISON ay dagaaladii ay kula jireen kuwa Nabad iyo dowlad-diidka ah ayka gaareen guulo waa weyn oo la taaban karo guud ahaan Soomaliya, gaar ahaan caasimada Soomaliya ee Muqdisho.

Sido kale, xukuumada uu hogaamiyo R/W Mudane Mohamed A/llahi Mohamed (Farmajo) ilaa hadda runtii wax badan ayay ka fican tahay dhammaan xukuumadihii ka horreeyey dhinac kastaba, inkastoo xukuumadaan qudheeda 2 ilaa 3 xubnood oo ka mid ah ay ku bilaabatay xan hoosaad sheegeysa inay wax is-dabamariyaan, balse dib ayaa laga soo sheegi doono magacyadooda marka la helo caddeynman ku filan waxa ay is-dabamariyeen iyo sida ay is-su dabamariyeen?.

Tan ugu xun ee xilligaan taagan waxay tahay labada (2) Mas'uul ee dalka ugu sarreysa Madaxweyne Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Guddomiyaha Baarlamaanka Mudane Shariif Xasan Sheekh Aden oo qilaafkoodu uu gaaray ficintan doqonimo dugsan, ka gadaal markey 25kii, May 2011 ay tagen magaalada Nairobi ee wadanka Kenya, iyadoo uu Golaha Ammaanka ee qaramada Midoobey ( UN Security Council) uu ka sugaayay labada ( 2) Shariif wax ay ku heshiis yihiin, dabedeedna uu Golaha Ammaanku uu qalinka ugu duugi lahay, haddii ay uun wax ku soo heshiin lahaayeen ka hor inta aysan shirkaas tegin , kadibna waxaa fursadaas ka sii faa'iideysan lahay dhammaan Somalida inteeda kale oo lagu qiyaaso 12 Milyan, balse nasib darro waxay la shir tageen waan soo heshiin-weynay ( rediculous), sideebey laba mas'uul oo aan ayaguba heshiin kareyn ay mas'uul uga noqon karaayaan shacabka Soomaliyeed oo lagu qiyaaso 12 milyan?.

Qilaaf Siyaasadeedka u dexeeya labada mas'uul ee dalka ugu sarreysa, wuxuu banaanka soo dhigay karti xumida Xildhibaanada Baarlamaanka KMG ah, waayoo waxaa laga rabay Xildhibaanada, markasta oo ay kacaan mow-jado siyaasadeed inay ku dheganaadaan dhaartii ay mareen markay ku soo biiraayeen Baarlamaanka oo ahay inay wax kasta ka hormarinaayaan danta dalka, dadka iyo diinta, isla la markaasna ay dhowrri doonan sharciga dalka u yaal, balse taas ma'aysan dhicin oo Xildhibaanadii waxay ukala jabeen dhowr qeybood oo kala ah:-
1) qeyb la safatay Guddoomiyaha Baarlamaanka, 2) qeyb la safatay Masaxweynaha iyo Xukumada, iyo 3) qeyb dhex dhexaad ah oo la magac baxday " Xildhibaanada badbaadinta qaranka Soomaliyeed, waxaan ku faraxsa nahay kuna aan faani karaayaa in aan xubin ka ahay Xildhibaanada badbaadinta qaranka".

Waxaa kaloo siyaasada Soomaliya caqabad ku ah siyaasiin Soomaliyeed oo u badan Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka KMG ah, oo ku andacooda amba ku faana inay xariir durugsan laleeyihiin dowlada aan deriska nahay ee Itoobiya, iyagoo mararka qaarkood ku sameeya Xildhibaanada Qaranka handadeed iyo caga-jugleyn siyaasiinta aan ku xirnryn mid ka mid ah dowladaha deriska la ah Soomaliya, sidoo kale waxaa siyaasada Soomaliya sii murginaaya, gaar ahaan habsami u wada shaqeynta Xildhibaanada Baarlamaanka, Xildhibaano si sed-bursi ah safaro loogu diro dowladaha Soomaliya deriska la ah sida Nairobi, Kenya, Addis Ababa, Itobiya iyo Jabouti iwm, Xildhibaanadaan la siiyo safarada Sed-bursiga ah, marka ay Xildhibaanadaan sed-bursiga la baray ay tagaan dowladaha Somaliya deriska la ah, waxay ku hadlaan magaca Xildhibaanada Baarlamaanka taas oo aad uga careysisa Xildhibaano fara badan oo ka caagan sed-bursi IWM.


Waxaa iyaduna wel wel-keeda leh, madaxda beesha caalamka oo si wadajir ah u yiri " waa naga sii dhammaanayaa u sii dul-qaadashada qilaafka madaxda Soomaliyeed" runtii lama dheelsan karaayo dhawaaqyada ka soo yeeraaya madaxda beesha caalamka iyo dowladaha daneeya arrimaha Soomaliya.

Isku soo wada duub ee 51 sano ka dib waxay taladu taagaan tahay Soomaliya haddii aysan ayadu tashan kareyn haloo taliyo ee yaa ka mas'uul ah tacadigaan taagan?.

Xil. Mohamoud Ghedi Aw Hilowle

Mog. Somalia Jowhar53@hotmail.com

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip