Suldaan Aweys: “R/Wasaaraha waxaan ka codsaday"

0
Wednesday July 20, 2011 - 14:51:46 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 860
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Suldaan Aweys: “R/Wasaaraha waxaan ka codsaday"

    Suldaan Aweys Suldaan Maxamuud oo ka mid ah Suldaanada beelaha Soomaaliyeed ayaa sheegay inuu warqad u diray Ra’iisal Wasaaraha Dowladda KMG ah C/Weli Maxamed Cali, wuxuuna sheegay inuu kala taliyay qaabka uu ku soo xulayo xukuumadiisa cusub.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Suldaan Aweys Suldaan Maxamuud oo ka mid ah Suldaanada beelaha Soomaaliyeed ayaa sheegay inuu warqad u diray Ra’iisal Wasaaraha Dowladda KMG ah C/Weli Maxamed Cali, wuxuuna sheegay inuu kala taliyay qaabka uu ku soo xulayo xukuumadiisa cusub.
Waxa uu sheegay Suldaan Aweys in xukuumadihii ka horeeyay Ra’iisal Wasaare C/Weli ay ku tunteen xaqa ay u leeyihiin aqoonyahanada Soomaaliyeed inay ka mid noqdaan xukuumadda, hase yeeshee waxa uu sheegay Ra’iisal Wasaaraha cusub inuu ka rajeynayo inay wax ka qaban doonto tacadiga aqoonyahanada Soomaaliyeed.

“R/Wasaaraha waxaan ka codsaday inuu xukuumadiisa ku soo daro dadka aqoonta leh oo uu ka mid yahay Dr. Black” ayuu yiri Suldaan Aweys Suldaan Maxamuud oo dhinaca kale wax laga xumaado ku tilmaamay faragelinta madaxda sare ee Dowladda ku hayaan howsha Ra’iisal Wasaare C/Weli Maxamed Cali.

Dhinaca kale Suldaankaan oo ka mid ah duubabka degan Banaadir matalana beel weynta Celi Cumar, waxa uu sheegay in Ra’iisal Wasaaraha uu u gudbiyay qoraal dheer oo uu ku muujiyay talo iyo tusaalo ku aadan xulitaanka Golihiisa Wasiirada, wuxuuna tilmaamay inay jiraan kooxo uu sheegay inay doonayaan sidii ay xukuumada uga jaha wareerin lahaayeen yoolkeeda ku aadan inay dalka gaarsiiso doorasho xor ah.



Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip