Suldaanka Beesha Celi oo baaq kasoo saaray kulan waxgaradka Beesha ku yeesheen wadanka Sweden. (Warbixin).

0
Tuesday April 05, 2016 - 23:59:01 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 2791
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Suldaanka Beesha Celi oo baaq kasoo saaray kulan waxgaradka Beesha ku yeesheen wadanka Sweden. (Warbixin).

    Bayaan uu kusaxiixan yahay Suldaanka beelweynta Lixda Celi Cumar, Suldaan Aweys Suldaan Maxamuud ayaa waxa uu si weyn suldaanka utaageeray shirka waxgaradka beesha Celi cumar ee kunool wadanka Sweden ee ku yeesheen magaalada Gotherburg.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bayaan uu kusaxiixan yahay Suldaanka beelweynta Lixda Celi Cumar, Suldaan Aweys Suldaan Maxamuud ayaa waxa uu si weyn suldaanka utaageeray shirka waxgaradka beesha Celi cumar ee kunool wadanka Sweden ee ku yeesheen magaalada Gotherburg.


Suldaanka ayaa sidoo kale hambalyeeyay Dr. Cali Axmed Hiraabe oo loo doortay gudoomiyaha jaaliyada beesha Celi Cumar ee wadanka Sweden, waxa uuna suldaanka Alle uga baryay gudoomiyaha cusub ee jaaliyada in uu alle la qaado xilkaan Culus.

Suldaan Aweys Suldaan Maxamuud ayaa sidoo kale ugu baaqay dhamaan qurba joogta beesha ee ku kala sugan daafaha caalamka iney soo doortaan hogaan siyaasadeed oo matala kaasi oo gaarsiiyay beesha iney yaalato hogaan mid ah oo udhaxeeyo dhamaan qurba joogta.

Suldaanka oo dhawaan kasoo laabtay caasimada dalka Hooyo ee Muqdisho ayaa tan iyo mudadi uu halkaa ku suganaa waxa uu kulamo gaar gaar ah lasoo yeeshay waxgaradki beesha iyagoo ka codsaday suldaanka inuu mideeyo talada beesha gaar ahaan qurba joogta, isagoo suldaankana codsigaasi uga jawaabay mid ficil ah bacdamaa uu fariinti wax garadka uu si toos ah ugaarsiiyay qeybo badan oo kamid ah hogaamiyayaasha jaaliyada taasi oo maantaba dhacday in hogaan siyaasadeed ee doontaan jaaliyada Celi cumar ee wadanka Sweden oo kamid ah jaaliyadaha ugu tirada badan ee beesha kuleedahay qaarada Yusub.

Gunti iyo gabagabadi bayaanka ayaa waxa uu suldaanka duco iyo dhiiro gelin uhibeeyay Jaaliyada beesha Celi Cumar ee wadanka Sweden oo sameeyay dadaal aan la xaqiri karin, isagoo suldaankana ka dalbaday jaaliyadaha kale ee beesha iney la yimaadaan dadaal dheeri ah.


 

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip