Suldaan Aweys oo dhagax dhigay dhismaha Maxkamada degmada Warsheekh.

0
Sunday December 11, 2016 - 23:32:19 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 2355
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Suldaan Aweys oo dhagax dhigay dhismaha Maxkamada degmada Warsheekh.

    Munaasabad balaaran oo lagu dhagax dhigaayay Maxkamada degmada Warsheekh ayaa waxa Maamulka degmada Warsheekh ee ku marti qaadeen Suldaan Aweys Suldaan Maxamuud, suldaanka beesha lixda Celli cumar inuu dhagax dhigo dhismo cusub ee yeelan doonto maxka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Munaasabad balaaran oo lagu dhagax dhigaayay Maxkamada degmada Warsheekh ayaa waxa Maamulka degmada Warsheekh ee ku marti qaadeen Suldaan Aweys Suldaan Maxamuud, suldaanka beesha lixda Celli cumar inuu dhagax dhigo dhismo cusub ee yeelan doonto maxkamada degmada Warsheekh.
Munaasabada dhagax dhiga oo ee kasoo qeybgaleen qeybaha kala gedisan ee bulshada degmada Warsheekh ayaa waxa hadal kooban kajeediyay munaasabada , suldaan Aweys isagoo tilmaamay in dhismaha xarunta maxkamada degmada warsheekh ee qeyb katahay horumarka lixaadka leh ee maamulka degmada ku hormarinayaan adeegyada asaasiga u ah dadka reer Warsheekh.

Suldaan Aweys oo fadhigiisu yahay dalka Australia ayaa mudooyinki udambeeyay kusugnaa gudaha dalka isagoona halkaa ka wada howlo isugu jiro wacyi gelin iyo taaba gelinta hogaan xalaal ah oo uu dalka Soomaaliya yeesho maadaama lagu jiro oloihi udambeeyay ee golayaaasha siyaasada dalka Soomaaliya.

Dhanka kale ayaa waxa goobta ka hadlay gudoomiyaha maamulka degmada Warsheekh Mudane Coll, Axmed Xuseen Axmed (Shiidka) isagoo ugu horeen umahadceliyay dhamaan dhinacyadi ka qeyb qaatay dhagax dhiga xarun cusub oo ee yeelan doonto maxkamada Degmada Warsheekh isagoo dadka deegaankana ugu baaqay ineysan la’aantood ka maamul ahaan wax qaban karin isla markaana uga mahad celinayaa taageerada joogtada ah ee maamulkiisa la garab taagan yihiin.

Degmada Warsheekh ee gobolka shabeelada dhexe ayaa waxa kasocdo howlo baaxad leh oo lagu hormarinayo kaabayasha dhaqaale ee degmada iyadoo howlahaan fulintiooda oo dhaxda u xirtay maamulka uu gar wadeenka kayahay mudane Shiidka.

Warsheekh- Shabeelada dhexe.


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip