Dowlada oo Diiwaan Galineyso Dadka Xaafada Xamar Bile

0
Monday August 08, 2011 - 09:26:23 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 3845
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowlada oo Diiwaan Galineyso Dadka Xaafada Xamar Bile

    Taliyaha saldhiga Wardhiigley ee Dowlada Soomaaliya G/Dhexe Cabdi Maxamed (Cabdi Shiino) ayaa warbaahitna uga warbixiyay howlgaladi udambeeyay ee ciidamada dowlada ee kusugan saldhigaasi ka fuliyeen daarihi IF iyo Aaqrio oo goor sii horeysay kusoo la

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha saldhiga Wardhiigley ee Dowlada Soomaaliya G/Dhexe Cabdi Maxamed (Cabdi Shiino) ayaa warbaahitna uga warbixiyay howlgaladi udambeeyay ee ciidamada dowlada ee kusugan saldhigaasi ka fuliyeen daarihi IF iyo Aaqrio oo goor sii horeysay kusoo laabatay gacanta Dowlada.
Taliyaha ayaa sheegay in ciidamada saldhiga wardhiigley ee ka fuliyeen deegaanka howlgal balaaran oo lagu diiwaan galinayo dadka degan qeybo kamid ah xaafadaasi kuwaasi oo si tartiib tartiib ah ugu soo laabanaya deegaanadooda kadib marki muqdisho ay ka baxeen kooxda shabaab.

"Waxa inoo suura Gashay inaan mid mid udiiwaan gelino dadka kunool Guyaha Xaafada Xamar Bile” ayuu yiri taliya Cabdi shine isagoo dhanka kalena tilmaamay in wixi maanta ka dambeeyo aysan dhici doonin inuu xaafada iska soo galo qof aan deegaan kulaheen.

Taliyaha ayaa dhanka kale waxa uu sheegay in ciidanka booliska ee saldhiga wardhiigley ay ka fuliyeen xarunta saldhiga howlgal nadaafadeed kadib marki uu is badalay muuqaalki saldhiga lahaa una ekaaday goob bahalo galeen ah iminkana ay markale dib usoo celiyeen bilicdiisi.

Saldhiga Wardhiigley ayaa kamid ah saldhigyada ugu miisaanka culus ee Ciidamada Dowlada dagaalka kaga wareegeen kooxda shabaab kahor inta aysan si iskood ah uga wada bixin magaalada Muqdisho




W/D: Abdi Shiine Moalin
E-mail: shiine173@hotmail.com



Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip