Intay Diriri dhicilayd, Deggenida halagu dayo, Derisnimadu waa Door
- Visits: 1137
-




(Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
- 0 0
-
Share
Waxaan salaamayaa dhamaan bulshada islaamka gaar ahaan bulshada soomaaliyeed waxaan leeyahay Ramadaan kariim hadaan nahay umada soomaaliyeed u malayn maayo maanta nin garaad leh ama xilasamaad ah oo qaangaadhay inuu u degdegayo colaad ama abuuristeeda waxaan taas ula jeeda aduunyadan inta la noolyahay wax badan ayaa ka dhacaya waxaana meel kasta jooga fidna wale iyo xuma abuur waxaan jeclaan lahaa anigoo ku hadlayaa magaca umada soomaaliyeed magaca abwaanada soomaaliyeed magaca dhalinyarada soomaaliyeed in la ilaaliyo walaalnimada iyo derisnimada. Colaadu waad aragta aafada ay leedahay caalamka waxaa tusaale u noqday soomaliya khaasatan koonfur oo madaxweyne kasta marka xukunkiisa la hujuumo carab iyo cajam waxay tusaale ka dhigtaan waxaad noqonaysaan sida soomaliya taas oo macnaheedu yahay waa dad aan garanayn oo ogayn maslaxadooda kana jecel dhibkooda.
Tusaale ahaan waxaa ka dhacay magaalada taleex iyo deegaanka nugaal maaha wax fiican iyada oo lagu jiro bil ramadaan in belaayo loo fara taago maaha wax munaasib ah.
Waxaan kula talin lahaa Xukuumada Somaliland iyo maamulka Puntland inaysan shacabka hadaba abaaraha la daaladhacayaa belaayo u horseedin waxaa laga rabaa golayaasha dhaqanka labada dhinac inay dhexdhexaadiyaan .
Shaqsiga soomaaliyeed waa u xor fekerka uu taageero ninka Somaliland taageersan maaha qasab in lagaga dhigo inuu Puntland taageero, kan Puntland taageersana maaha qasab in lagaga dhigo Somaliland taageero , kan Somaaliya taageersan maaha inuu qasab laga dhigo inuu Somaliland taageero. kan Somaliland taageersan maaha qasab in lagaga dhigo Somaliyaa taageero . kan Somaliland u dhashay ee taageersan soomaliyana maaha in qasab lagaga dhigo inuu Somaliland taageero .
Wadanku waxuu ahaa wadan keliya dhibaatadii dhacday ayaa sababtay kala fogaanshiiyo iyo kalsooni daro wali ma jirto cid dhexdhexaad ka noqotay oo gashay arimaha Somaliya iyo Somaliland wali ma jirto madax ama odayaal ka wada hadlay kala fogaanshaha aragtiyeed waxaa haboon maadaama dalka badidiisa dhibaato ka jirto inta wanaaga samaysatay ee nabada haysta in lagu bogaadiyo lana taageero ee aan dhibaato lagu abuurin. kan dhibaatadu haysatana in la badbaadiyo oo la dhexdhexaadiyo dhinac walba .
waxaa Smaliland amaan ku mutaystay siday shacabkeeda u badbaadisay ee u horu marisay dhamaan dhinacyada bulshada sida , Nabada amaanka dowladnimada hanaankeeda waxbarashada iyo adeega bulshada iyada oo nabadna lagu dhexmaro nabadna lagu joogo.
Sidoo kale puntland waxay gaadhay hanaan siyaasadeed oo la taaban karo iyada oo gobolada kale ee soomaaliya ku dhaaftay nabada iyo nidaamka ay dadka deegaanku samaysteen.
Anigu waxaan odhan lahaa colaadu waa dab , dabkuna maaha wax sahlan lamana huriyo waxaan kula talin lahaa shacabka reer somaliland iyo kan puntlandba inay eegaayaan bal waxa ka dhacaya caasimada soomaaliya iyo gobolada koonfureed walaalaha soomaaliyeed ee habeen walba dhiilada iyo dhibaatada dhex taagan maaha wax ay jeclaysteen ee daalin iyo taloxumaa sidaa u galay maaha inay caqlidaro darteed waxaasi u dhacayaan ee waa aafo iyo ilhaamo ku dhacday waxaa la doonayaa shacabka nabada haystaa inay ku taamilo qaataan oo aysan ku dhicin dhibaatooyinka dhacaya.
Waxaa taas ka sii daran haddii dagaal ka qarxo laascaanood ciidamada ka baxay caasimada muqdisho ee doonaya meel ay ku dhuuntaan oo buuralay ah inay si dhakhso ah ku soo geli doonaan buuraaha silsilada golis ee sool iyo sanaag iyo bari intaba iyaga oo aan shacabka dhulkaas degan u aabe yeelayn .
Waxaan leeyahay intay diriri dhicilayd.Degenida halagu dayo, Derisnimadu waa door haddii nin laga soo qabto magaalo maaha wax guul ah ninka soomaaliyeed ee la qabtayna maaha amxaar ee waa nin dhulkiisa jooga , teeda kale soomaalidu way is dhexmaraysaa, madax iyo minjo, way wada ganacsanaysaa way wada nooshahay, maaha mid keenaysa guul dheeraada ama halgan siyaasadeed inaad nin walaalkaa ah , xabsi ku xidho oo sawiro ka qaado taas waa foolxumo wayn mana aha mowqif siyaasadeed keeni kara ama dhalin kara natiijo.
Dhinaca kale waxaa fiican inay ka roonaadaan oo si nabada ku raadsadaan dadkooda maqan iyaga oo ixtiraamaya bisha barakaysan, iyaga oo ka baarandegaya , waxaa ka dhalan kara waqtigan colaad bilaabata iyo iska hor imaad aan horumar lagu gaadhayn.
Bulshada soomaaliyeed ee kale waxaa kula talin lahaa inay dhamaantood ka qayb qaataan dhexdhexaadinta walaalaha soomaaliyeed , khaasatan dowlada ku meelgaadhka ah maadaama maamul goboleedka puntland hoos tago dowlada ku meelgaadhka ah waa inay madaxda dowladu arinkan ka hadashaa madax dhaqameedyada soomaaliyeed oo dhamina waa inay ka qayb qaataan sidii loo dhex geli lahaa dhacdada ka dhacday taleex si loo badbaadiyo shacabka iyo wada noolaanshaha iyo nabada halkaa ka jirta ilaahayoow sidii khayr leh ka dhig .
Waxaan hadalkayga ku soo afjarayaa , Tixdan
haday dirir wax tari layd
dar horaa ku degi laa
haday duunyo lagu helo
dar horaa ka guran laa
ninka dila walaalkiis
ee dooxa ehelkiis
ee daab u haystoo
bal day dhinacyadaado
daawo nabada wacaniyo
degenidaad ku nooshahay
ninkay deeqi waydee
iska diida samahee
xumaha u degdegayee
durbaanka u garaacdow
waad ku daali doontaa
wallee dahab casaaniyo
dagaal maaha doolaar
ee waa dab iyo hoog
kala dila walaalaha
kala dira dadka isjecel
dumarkoo baroortiyo
da,yartoo dhamaatiyo
dar kaloo ka sii daran
oo daf ku soo yidhaahdiyo
hadhoow kaaga sii dara
iyo danbibaad dhaxlaysaan
intay diriri dhicilayd
degeniada halagu dayo
derisnimadu waa door
derbi weeye adagoo
in la dumiya fiicnayn
duqaydaay u duubtoo
dejiyaay walaalaha
damiyaay xumaatada
ka digaay waxyeelada
daa,imoow alahay
nabad doora oo wacan
dadkoo wax kala qabin
duulkeena soomaal
iyagoo dakano qabin
ka dhig ul iyo diiroo
dulmiba na gaabshee
daacadnimada noo badi
darxumaa na haysee
deeqdaada noo badi
danbibaan samaynee
ha doorin eebooow
aamiin aamiin aamiin
Waa Qalinkii
Cabdiraxiin Hilowle Galayr
Galayr1977@hotmail.com
Intay Diriri dhicilayd, Deggenida halagu dayo, Derisnimadu waa Door
Waxaan salaamayaa dhamaan bulshada islaamka gaar ahaan bulshada soomaaliyeed waxaan leeyahay Ramadaan kariim hadaan nahay umada soomaaliyeed u malayn maayo maanta nin garaad leh ama xilasamaad ah oo qaangaadhay inuu u degdegayo colaad ama