Dhufeyski Kaaran Hadaad Ka baxden Hurwaa Ma Idin Celisa? (Wareysi C/Dheere)

0
Friday August 12, 2011 - 22:31:08 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 2180
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhufeyski Kaaran Hadaad Ka baxden Hurwaa Ma Idin Celisa? (Wareysi C/Dheere)

    Afhayeenki Ururka Alshabaab Sheekh Cali Dheere oo caawa Wareysi dhinacyo badan taabanyay Siiyay idaacada BBC-da laanteeda Afka Soomaaliya ayuu waxa uu uga hadlay arimo dhowr ah oo salka kuhaya hadal heenta bulshada Soomaaliyeeed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Afhayeenki Ururka Alshabaab Sheekh Cali Dheere oo caawa Wareysi dhinacyo badan taabanyay Siiyay idaacada BBC-da laanteeda Afka Soomaaliya ayuu waxa uu uga hadlay arimo dhowr ah oo salka kuhaya hadal heenta bulshada Soomaaliyeeed
Sheekh Cali dheere ayaa ugu horeyn waxa uu gashaanka udaruuray hadal la isla dhax marayo kaasi oo sheegaya in madaxda shabaab khilaaf udhaxeeyo kaasi oo salka kuhaya gar gaarka bani aadamnimo ee xiligaani ubaahan yihiin dadka kunool deegaanada shabaab kataliso.

“Majirto Wax Qilaaf ah oo udhaxeeyo Madaxda Ururka” ayuu yiri isagoo dhanka kale jsheegay in awaabta su’aashaana looga fadhiyo cidi sheegtay oo sida muuqato qilaafka Madaxda Shabaab uu daboolka ka qaaday Hogaamiye Sheekh Xasan Daahir oo isaga kamid ah Saraakiisha Sare Sare ee Alshabaab.

Cali dheere wuxuu sheegay iney wili ciidamadooda kusugan yihiin gudaha magaalada muqdisho aynan jirin ciidan iyo hub ay magaalada ka saareen taana laga wareysan karo dadka degan gobolada.

“Dhamaan Ciidamadeeni iyo Hubkoodi Muqdisho ayeey kusugan yihin muqdishana kama bixin laakin wax ka badalnay qidooyinkeeni dagaal kadib marki ay is bad badaleen hababka ay inoola dagaalayaan Cadawga”

Cali dheere ayaa waxa laweydiiyay su’aal la xiriirtay mar hadii ay ka baxeen difaacyadi waa weynaa ee shabaabka kulahaayeen Degmooyinka Boondheere, Cabdicasiis iyo Kaaraan bal iney isku celin karaan xaafado katirsan Gubta iyo Helwaa.

“Difaacyadaas waxa uga baxnay qaab xeeladeesan waxana kuu sheegaya in ciidameeda ay kusugan yihiin iska day meel kale Xaafadaha Xamarweyne iyo Xamar Jajab”

Afhayeenka ayaa sidoo kale waxa wax laga su’aalay xili ay dadka muqdisho uga barteen iney shabaabka qaadaan dagaalo culus bacdamaa bisha ramadaan lagu jiro ayaa waxa dhacday inaaba ka baxdeen difaaca.

“Tan iyo xiligi aan difaacyadeeni ka baxnay waxa qaadnay 26 weerar kaasi oo aan cadawga kaga dilnay 60 ruux xageenana waxa nooga Shahiiday 2 ruux” ayuu yiri Afhayeenka .

Sheegashada Afhayeenka 26 dagaal iyo dhimashada lixdanka qof ayaa ka dhigan hadal aan wax cadeyn ah loo heenin bacdama dagaalada iminka shababaka muqdisho ka wadaan ay hogaaminayaan dhalinyaro aan ka badneen labaatan meeyo oo un awoodo iney xabado meela fog uga soo ridaan ciidamada dowlada.


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip