Madaxweyne Xasan Sheekh, "Walaalaheen reer Jabuuti, waxaan leenahay hambalyo, waana idinla wadaageynaa farxadda"

0
Friday June 27, 2014 - 23:31:30 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 1797
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Xasan Sheekh, "Walaalaheen reer Jabuuti, waxaan leenahay hambalyo, waana idinla wadaageynaa farxadda"

    Muqdisho, 27 Juun 2014-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa hambalyo u diray Shacabka iyo Dowladda walaalaha aynu nahay ee Jabuuti oo ay ku beegan tahay 37 guuradii ka soo wargeegatay maalintii ay xurriy

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho, 27 Juun 2014-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa hambalyo u diray Shacabka iyo Dowladda walaalaha aynu nahay ee Jabuuti oo ay ku beegan tahay 37 guuradii ka soo wargeegatay maalintii ay xurriyadda qaateen.

Madaxweynaha Soomaaaliya ayaa sheegay in shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed farxadda maalinta xuriyadda walalaha Jabuuti ay la qabsanayaan .Waxa uuna u rejeeyey horumar iyo guul.

" Isbuucaan waxaa la yiraahdaa isbuucii xurriyadda iyo sharafta Soomaalida meel walba ay ku nool yihiin, waxaan u hambalyeyneynaa walaalaheen reer Jabuuti, waxaan leenahay hambalyo, waan idinla wadaageynaa farxadda, waxaanu leenahay guuleysta karaamo iyo sharfna ku noolaada, umadda Soomaaliyeedna abaal ayaad ku leedihiin” ayuu yiri Madaxweynaha.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh ayaa sheegay in Umadda Soomaalida ah maalmahaan ay u tahay maalmo ciid ah isla markaana ay dabaal degyo ka wadaan meel walba ay dunida ka joogaan.

DHAMMAAD
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip