Muungaab oo markale kadhawaajiyay Dalab Muhiim ah & Xaflad lagu habeensaday oo kadhacday Hurwaa (Warbixin)

0
Monday April 21, 2014 - 12:44:39 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 1498
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muungaab oo markale kadhawaajiyay Dalab Muhiim ah & Xaflad lagu habeensaday oo kadhacday Hurwaa (Warbixin)

    Gudoomiyaha Gobalka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa waxaaa uu shaaca ka qaaday hadii loo baahan yahay in lagala xisaabtamo Amniga Muqdisho in loo baahan yahay in Ciidamada Nabadsugida iyo Booliska oo hada lagu soo wareejiyay gacanta gudoo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiyaha Gobalka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa waxaaa uu shaaca ka qaaday hadii loo baahan yahay in lagala xisaabtamo Amniga Muqdisho in loo baahan yahay in Ciidamada Nabadsugida iyo Booliska oo hada lagu soo wareejiyay gacanta gudoomiyaha Gobalka loo baahan yahay in la qalabeeyo Mushaaradkoodana ay Wasaarada Arimaha Gudaha ay meel saaraan.
Gudoomiye Muungaab waxaa uu tilmaamay in ciidamadu hadii ay dhaqaale ku filan iyo qalab ay helaan ay sugi karaan guud ahaan Amaanka Gobalka.

Gudoomiye Xasan Maxamed Xuseen markii loo magacaabay Gudoomiyaha Gobalka ayaa waxaa uu dalbaday in la hoos keeno Ciidamada Nabadsugida iyo Booliska Gobalka taa baladkeed waxaa muuqaneysa in Madaxweynaha Somalia Xasan Sh Maxamuud shirweynihii amaanka looga hadlayay uu balan qaaday in gudoomiyaasha Gobalka gacanta loo gelinayo laamaha Amaanka.

Dhanka kale  Waxa Xalay degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho ka dhacday munaasabad casho sharaf ahayd oo loo sameeyey ergada ka qeyb galeysa shirweynaha qaran ee ka furmay Shalay Muqdisho.

Casho sharafta ayaa waxa soo qaban qaabiyey Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Janeral Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab) iyadoona mas’uuliyiin katirsan labada gole ay ka qeyb galeen munaasabadaasi.

Fanaaniinta hobollada Waaberi oo ay ka mid ahayd Fanaanada Hibo Nuura ayaa munaasabada kusoo bandhigay suugaan faneed kala duwan.

Abwaan Cusmaan Cabdullaahi Guure oo ah Agaasimaha Radio Kulmiye oo munaasabad hadal xalay ka jeediyey ayaa dar daaran ujeediyey wasiirada iyo xubnaha xilalka uhaya Dawlada Somaliya isagoo kula dar daarmay inay deggaan guryo ku yaalla meelaha laga cabsado amni ahaan sida Heliwaa iyo Deyniile.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir Ahna duqa Magaalada Muqdisho Janeral Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab) ayaa waxa uu ugu baaqay qurba joogta Somaliyeed inay dib ugu soo laabtaan dalka oo ay maalgishtaan.

Ugu dambeyn Wasiirka Arimaha gudaha iyo Federaalka C/llaahi Goodax Barre ayaa umahad celiyey maamulka gobolka Banaadir oo isagu isku xilsaaray qabashada munaasabadii xalay ka dhacay degmada Heliwaa ee Muqdisho.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip