Ganacsatada Celasha Biyaha oo Laga Hor Istaagay Bakaraha

0
Sunday August 14, 2011 - 11:24:55 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1267
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ganacsatada Celasha Biyaha oo Laga Hor Istaagay Bakaraha

    Tan iyo lawareegidi Guud ahaan Magaalada Muqdisho ee Ciidamada Dowlada iyo Kuwa naba Ilaalinta Midowga Afrika ee Amisom ayaa waxa dib usoo laabanayay isu socodka gaadiidka iyo dadweynaha ee Xaafadaha magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tan iyo lawareegidi Guud ahaan Magaalada Muqdisho ee Ciidamada Dowlada iyo Kuwa naba Ilaalinta Midowga Afrika ee Amisom ayaa waxa dib usoo laabanayay isu socodka gaadiidka iyo dadweynaha ee Xaafadaha magaalada Muqdisho. Waxa dib ubilowday dhaq dhaqaaqi bulshada dhaxdeeda taasi oo sahashay in markale lagu dhiirado in dib loo furo suuqi ganacsiga Soomaaliyeed ee Bakaaraha hasa yeeshe inta badan ganacsatadi suuqaasi utiilay hantida ayaa ukala firxaday suuqyada magaalada muqdisho iyo Suuqa deegaanka loo barakacay ee Ceelashada Biyaha.

Maamulka Alshabaab ee kataliya Deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa sitoos ah uga soo horjeestay in Ganacsatada soomalaiyeed ee Xarunta kadhigtay Deegaanka Ceelasha ay dib ugu laaban karaan Suuqi bakaaraha.

Mid kamid ah Ganacsatada Suuqa Ceelasha Biyaha oo naga dalbaday inaan magaciisa xusin ayaa inoo xaqiijiyay in ganacsatada marki horeba cabasho badan ka qabeen lacago xad dhaaf ah oo xarakada duldhigtay hasa yeeshe amarkaanina kusoo beegmaya xili Ganacsatadu ay hoos udhac xoogan kasoo wajahay xarida Suuqa bakaaraha oo halbowlaha ganacsiga Soomaalida Ah.

Alshabaab waxa ay ganacsatada faren in la hantidiisa la qaadan doono ninki isku dayo inuu ku laabto Bakaare waayo ayeey dhaheen Suuqa xiligaani maaha meel lagu aamini karo hantida Shacabka waxana ka taliyo Ciidamada Dowlada oo shabaab uyaqaaniin Ridada.

Muranka xoogani ee udhaxeeyo Dowlada iyo Shabaab ayaa mar walba waxa uu saameentiisa xoogan kuyeeshaa Shacabka Soomaaliyeed oo runti kusfiibay Oraahda Caanka ah ee Ninki Hooyada Guuriyo waa Adeerkaa.


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip