Maansadii Muran &Mutaxan Qaybtii 4aad

0
Monday August 15, 2011 - 22:28:17 in Maqaallo by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1850
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maansadii Muran &Mutaxan Qaybtii 4aad

    Maansadan oo ahayd musalsal dheer oo soo dhexmartay qaybihii kala duwanaa ee asxaabtii maxaakiimta , oo noqday firqooyin kala fikira ayaa waxay ku bilaabatay dood dhex martay sanadkii 2009kii Madaxweynaha jamhuuriyada soomaaliya iyo Asxaabti

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maansadan oo ahayd musalsal dheer oo soo dhexmartay qaybihii kala duwanaa ee asxaabtii maxaakiimta , oo noqday firqooyin kala fikira ayaa waxay ku bilaabatay dood dhex martay sanadkii 2009kii Madaxweynaha jamhuuriyada soomaaliya iyo Asxaabtiisi casmara ee xisbiga la baxday iyo alshabaab oo isku dhinac ah,

Maansadan ayaa waxay ahayd marna waxaa dhexmaraysaa labada mucaaradan Xisbul islaam iyo alshabaab qaabkay isu bahaysan lahaayeen markii sadexaadna waxay dhexmartay madaxweynaha iyo labada dhinac iyada oo marxalada kala duwan aan ku saadaliyay qaarkoodna la arkay qaarna wali la arkin bal aan maantana qaybtii afaraad iyo isbedelka 2011 ka dhacay iyadoo magacii xisbul islaam meesha ka baxayayna alshabaab isku noqdeenqolyihii mucaaradka ahaa Maantana Dowlada ku meelgaadhaka ah ay kaga awood roonaatay Caasimada Muqdisho iyo dalka qaybo ka mida ayaa waxaa mar afaraad maansada ku garnaqsanayaa saaxiibadii dhabarka isu jeediyay ee bal aan eegno doodii oo u dhaxaysa , Madaxweynaha iyo asxaabtiisii hore ee ka biyo diiday madaxnimada saaxiibkood iyo qaranimada iyo dowladnimada soomaaliya.Bogasho wacan

Madaxweynaha :_

Miinleeyda suugaan

Maansiyo dhigaalkeed

Masafadaqoraalkeed

Maareynta geeraar

Gabayada micnayntood

Waanigii ka maaggee

Meel dhigay mar hore

Mudo aannan xaalayn

Mar hadaad mulkiyayoo

Maantana ka talliyoo

Madashii dalkeeniyo

Waa magaala madaxdee

Muqdishoo dhan an helay

Alle mahadii weeyaan

Waa muhiimad waynoo

Maankayga deeqdoo

Naftuna ay maqsuudo

Ahna lagama maarmaan

Muran iyo mutaxanoow

Masayriyo makriiloow

Macne yare wadaadoow

Adaa diiday marinkoo

Maanacay wanaagee

Moolkii aad qodatiyo

Mooskiiba jebiyoo

Miinadii ka saaroo

Maatadiyo shacabkii

Murugada ku noolaa

Waa ku mashxaradee

Meeshii aad geli layd

Madax aad ka noqonlayd

Maciin aad ka heli layd

Maskaxdaada waydii?

Mucaaradka :-

Miinleeyda suugaan

Murtida iyo odhaahdeed

Maalkaygay weeyaan

Mas alooyin badanoo

Kaa maqan ayaa jira

Micnaheedna maad baran

Mahad waa ta eeboo

Isagaa masuuloo

Isagaa markhaatiya

Isagaa maciinoo

Isagaa muqiisoo

Alaan magansanaynaa

In mujaahidiintii

Muqdishana ka guureen

Ama maato baxayaan

Horta maaha beentaa

Muruqii galbeedkiyo

Maalkii ay reer yurub

Uu maraykan bixiyaa

Afrikadan madoowbaa

Muruq aad ku faantiyo

Maskax kuu ahaayoo

Madow iyo cadaanbaa

Na muquuninaayee

Madaxtooyadaadiyo

Minankaaga gelinbaan

Cagta marinlahaynoo

Madal aan ka dhiganlayn

Ma dhamaanin sheekadu

Mugdigiyo habeenkaan

Mashaqooyin dhigaynaa

Miinidaan xidhaynaa

Is Miidaamintaa badan

Madaxweynaha:-

Ma gudbiye xertiisoow

Ma gartiyo dadkiisoow

Dadkaad madax goysiyo

Dar aad midigta goysiyo

Masaakiin la madhiyaad

Martabiyo wanaagiyo

Maslaxada u moodo

Waa seegtay marinkee

Meleteriga soomaal

Muruqii dalkeeniyo

Ciidankeena mudanba

Awood kugu muquunshoo

Kaa saarayn minankee

Marna kaa hadhaynoo

Maalin iyo alaylkii

Maar kula dhacaayoo

Midhadhkiina soo hadhay

Shacabkaa maxkamadayn

Muslinkaaw ku marag kici

Dhibkii aad maleegteen

Ayaad mari jidkeedoo

Mid maxbuus ahaadiyo

Mid marxuun ahaadaa

Maksabkiina laga dhigi

Mugdi iyo dabayliyo

Mahadhaa idin sugi

Meeshaad geli lahaydeen

Madax aad ka noqonlayd

Maciinaad ka heli layd

Maskaxdaada waydii?

Mucaaradka :-

Dabin lay maleegaa

Madaxayga gooyoo

Muda waxaan ka baqayaa

Maantaba I haystoo

Meleteri awoodliyo

Macne dowladeediyo

Muuqaalka qaranimo

Marna yaysan aragbaan

Maankayga ku hayee

Waa taa I malegtoo

Dadyoow murugadiini

Maantaba I haysee

Maad iga naxdaanoo

Kolay waan muquurtoo

Waan muusay ceebtee

Waxaan mudane dilayiyo

Waxaan maato laayiyo

Waxaan miino soo dhigay

Maad wada ilowdaan

Maankana ka saartaan

I musaamaxdaanoo

Macfa aad tidhaahdaan

Rag muqaatiliinoo

Mahlakada horteen falay

Hada mudane weeyee

Nina lama muquunshee

Iska maydha dhiigoo

Macfa dhahadhamaantiin.

Madaxweynaha :-

Maalintii jabuutee

Lay doortee madaxee

Madashii jarteenbaa

Ismoodsiiyay keligay

Maqnaanshaha xagiina ah

Inaad meherad gaariyo

Maamul sidaan u noqonlayn

Macnaheed ku maqantiin

Ma filayn xertaadaa

Ku mucaaradaysoo

Kugu noqon mashquulo

Mahadhooyinkaa dhigi

Muftiyaan idiin diray

Iyo maahiriin badan

Maskaxdii dalkoo idil

Midigtaad ku saydheen

Marin xumo ka buuxaad

Taladiina mariseen

Maya iyo khilaafiyo

Murtadiyo waxaan jirin

Maatada u sheegteen

Madfac iyo daagalbaad

Shacabkii ku madhiseen

Maantana xaqbaa yimid

Shacabkuna mid weeyan

Madaxduna mid weeyan

Idinka maslaxadiyo

Is mucaanaqaybtiyo

Maxabadii ka rooroo

Maya hadalsan moode

Idinkaa makriyayoo

Mufsidiin ahaadoo

Mashaqada jeclaystee

Muslinimada keligiin

Idinkaa macnaystoo

Inta kala ka miidhoo

Manhajkaba ka saaroo

Mindida u afaystee

Rag mashaakil badanoo

Maafiya ah keenoo

Maal iyo aduunyiyo

Manfacaba jeclaystoo

Ku midoobay xumahoo

Magaceena soomaal

Idinkaa madluunshoo

Ku manaystay ceebtee

Midnimada la diriroo

Mid midkna ka doortee

Maqla waanadaydoo

Maariyo hubkana dhiga

Iska maydha dhiilada

Cafis soo madluuboo

Madaxiina dhiibtoo

daaya macangagnimadoo

Dowladiina magansada :-

Way socotaa sheekadu walina lama kala dhamaandoodii muran iyo mutaxan

La soco qaybaheeda danbe inshalaah

Fiiro Gaara:- Maansadani waxay ka turjumaysaa dhibaatada soo noqoshada badan ee had iyo jeer labaatanka sano mucaaradka iyo muxaafidka loo kala safan yahay balse doodan oo bilaabatay doorashadii madaxweynaha iyo shirkii jabuuti ayaad haday ku dhaaftay waxaad ka bogan kartaasadexdii qaybood ee kalemareegaha hoos ku qoranmahadsanidiin dhamaan

Waxii qalada ama qadaf aha waxaan u ahay inaan saxo diyaar waxaad igala soo xidhiidhi kartaan emailkayga hoos ku qoran:-

Qaybtii koowaad

http://www.jilibweyn.com/print.php?type=N&item_id=785

https://docs.google.com/View?id=ddjrmf36_10czdp9gm2

Qaybtii Labaad

https://docs.google.com/View?id=ddjrmf36_1197g97hgt

http://www.calayaale.com/Calayaal%20opinion%20Cabdiraxiim%20Hilowle/Opinion%20Dadweynaha%20Cabdiraxiim%20Hilowle%20004-002-09.htm

http://somaliswisstv.com/2009/02/04/maanso-xasaasiya-oo-ah-dood-dhexmaraysa-alshabaab-iyo-wadaada-mucaaradka-ah-garabka-asmara%E2%80%8F/

Qaybtii Saddexaad

http://www.warsheekh.com/view.php?id=3929

https://docs.google.com/View?id=ddjrmf36_12gmrsp4fk

Waa Qalinkii iyo Hall_abuurkii

Cabdiraxiin Hilowle Galayr

Galayr1977@hotmail.com

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip