Wasaarada arimaha dibada ee dalka Itoobiya ayaa shaacisay in xukumada Eritrea ay Qatar ku tahay amaanka guud ee goblka Geeska Africa iyadoo sheegatay in Eritrea ay sii wado baabinta xasiloonida gobolka iyo hanaanka geedsocdka nabada Somaliya oo ay horseedka ka yihiin dowladaha dariska eek u midoobay urur goboleedka IGAD sida ay sheegatay wasaarada arimaha dibada ee dowlada Itoobiya.
Wasiirka arimaha dibada Itoobiya Helimaryam Diseleg oo wareysi siiyay wakalada wararka Walta layiraahdo ee dalka Itoobiya ayaa si kulul u weeraray madaxweynaha Eritrea Asiyaas Afarki oo uu ku eedeyay in uu dhabar jabinayo hanaanka nabada ee wadanka Somaliya.
Xelimaryam ayaa ku eedeyay Afawarki inuu hadalo wax u dhibayo horumarka nabadadeed ee dowlada Somaliya ay gaartay ka sheegay shirkii magalada Qahira ay ku yeesheen qaarkatirsan madaxda wadamada IGAD iyo safiirada midowga Africa oo loogahadlayay arimo ay ka mid ahaayeen dadaalada nabada ee dowlada Somaliya ay ugu jirto in dalka lagu xasiliyo.
Wasiirku waxaa uu sheegay in xukumada Asmara ay cadeysatay hagardaameynta ay ku hayso hishiiskii roadmapka ama qariirada siyaasadeed ee lagu gaaray Muqdisho sida uu sheegay.
Qaramada midobay ayaa cunaqabateyn kusoo rogtay xukumada Eritrea bishii Feberury ee sanadkii 2010 kadib markii Eritrea ay ku guuldareysatay in ay jawaabka bixiso edeymaha kasoo yeerayay golaha amaanka ee jamciyada qurumaha ka dhexeysa.
Ethiopia Oo Si Kulul U Eedeysay Dowlada Eritrea
Wasaarada arimaha dibada ee dalka Itoobiya ayaa shaacisay in xukumada Eritrea ay Qatar ku tahay amaanka guud ee goblka Geeska Africa iyadoo sheegatay in Eritrea ay sii wado baabinta xasiloonida gobolka iyo hanaanka geedsocdka nabada Somaliya oo ay ho