Qarixii maanta lagu laayay arday Soomaaliyeed oo sugayay imtixaan ay u galeen deeq waxbarasho ah oo ay ka helleen dowladda Turkiga ayaa waxaa si cad u sheegatay kooxda Khawaarijta ah ee Shabaab sida ay ku qortay websitekooda lagu magcaabo Somalimemo.net
Kooda ayaa sheegatay in qaraxi maanta ay la beegsadeen ciidamada ka tirsan dowladda iyo kuwa AMISOM iyadoo ay inta raaciyeen in ay sii dhiira gallinayaan qaraxaasi naxdinta lahaa.
Qarax Khawaarijta Shabaab ay sheegatay in ay la beegsatay Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, ayaa waxaa ay ku laaysay arday Soomaaliyeed oo maanta wasaaradda Waxbarasha u imaaday in ay soo fiiriyaan natiitada imtixaanaadkii ay galeen.
Aradyda maanta ku shahiiday qarixii musiibadda ahaa ayaa waxaa kamid ah arday Soomaaliyeed oo maalmo ka hor ka yimid dalka Sudan sidii uu uga faa’ideyso deeqda waxbarasho ee ay dowladda Turkiga ugu talla gashay arday Soomaaliyeed.
3dii bishii December ee sanadii 2009 ayaa sida oo kale Khawaarijta Shabaab qarax waxuushnimo ah ulla beegsadeen arday dhameeysatay warbarashoodda jaamacadda Banaadir halkaasi oo ay ku geeriyoodeen arday,waalidiin macallimiin, saxafiyiin iyo wasiiroo ka tirsanaa dowladda Soomaaliya.
Khawaarijta Shabaab Oo Sheegatay Qaraxi Lagu Laayay Ardayda
Qarixii maanta lagu laayay arday Soomaaliyeed oo sugayay imtixaan ay u galeen deeq waxbarasho ah oo ay ka helleen dowladda Turkiga ayaa waxaa si cad u sheegatay kooxda Khawaarijta ah ee Shabaab sida ay ku qortay websitekooda lagu magcaabo Somalimemo.