Magaalada Muqdisho ayaa waxa maanta lagu qabtay Munaasabad aad ubalaaran taasi oo hub wareejin kusameeyay Jeneral Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacade) oo kamid ahaa Saraakiisha Ciidanka Xooga dalka Soomaaliya.      
Munaasabadaan oo aheyd mid uu Gen Yussuf Indhocadde hubkiisa ku
wareejinayay Dowladda Soomaaliya ayaa agelinkii dambe ee maanta lagu
qabtay garoonka kubadda cagta stadium muqdisho iyadoo ay kasoo qeyb
galeen Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Mudane C/weli Maxamed Cali, R W k x
ahna Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane C/wahaab Ugaas Xuseen,
.Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Mudane C/samaad Macalin
Maxamuud, Wasiirudowlaha Gaashaandhigga Maxamuud Maxamed Nuur ,
Taliyaha Ciidammada Xoogga Dalka General C/qaadir Sheekh Cali Diini,
Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed General Shariif Sheekh Unaa
Maye Gudoomiyaha Gobolka iyo saraakiil ka tirsan Amisom.
 
Munaasabnadda ayaa waxaa lagu soo bandhigay 9 Gaari ah oo ah
gaadiidka loogu talogalay dagaalka, 250 askari oo iyagu hoostagi jirey
General Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacade waxaana hadal uu ka jeediyey
Munaasabadda ku sheegay in si iskiis ah uu u go’aansaday arintan
islamarkaana uu Dowladda Soomaaliya ku wareejinayo Ciidammadan iyo
gaadiidka dagaalba.
 "Waxa loo baahan yahay in lahelo ciidan Qaran lagana gudbo ciidan hebel, maanta wixi kadambeeyo waan wareejiyay dhamaan hubkeegi” ayuu yiri jeneral indhacade oo sidoo kalena sheegay in kooxeesi oo kadoor biday qaranimo.
"Waxa jirtay xan hoose oo dadka isla dhax marayayeen taasi oo aheed in yuusuf indhacade doonayo qab qablanimo cusub iyo inuu dowlada mucaaradi rabo, hasa yeeshe warkaas waxba kama jiro waana been” ayuu yiri Jeneraalka .
Kadib waxa goobta kahadlay Ra’isul Wasaarha Soomaaliya Dr Cabdiwali oo dhankiisa soo dhaweeyay hub wareejinta Yuusuf Indhacade isagoona sheegay in lagaaray xiligi qaranimada lagana gudbay qabiil iyo ciidamo gaar ahaaneed.
"Tani waa bilowgi qaran soomaaliyeed, waana in laga gudbaa ciidan gaar ahaaneed” ayuu yiri Dr cabdiwali oo dhankiisana soo dhaweeyay talaabada Jeneral Indhacade ee uu hubkiisa kuwareejiyay.
Guddoomiyaa gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane
Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo ka hadlay Munaasabadda ayaa sheegay in
magaalada muqdisho aysan u abahneyn inay waddooyinkeeda isticaamaan
gaadiid dagaal oo aysan laheyn Dowladda Soomaaliya.
Major Gen fred Mugisha Taliyaha Ciidammada Amisom ayaa dhankiisa ugu
baaqay maleeshiyaadka kooxda shabaab isagoo ka faa’ideeysanaya
munaasabaadaasi inay joojiyaan falalka waalida ah oo ay ku leynayaan
Shacabka Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan islamarkaana ay ku biiraan
dadka kale ee somaaliyeed si ay dib ugu dhistaan Dalkooda.
Hub wareejinta jeneral Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacade ayaa waxa ay aheed mid baryihi dambe aad loo hadal hayay waxana jirtay hadalo dadka isla dhax marayeen iyadoo janankana lagu eedeenayay amar diido iyo gooni isu tag uu kadhax waday Ciidamada Qaranka gaar ahaan kuwa jiida hore kujiray, hasa yeeshe tani masoo afjari doontaa damaca Jananka ee hogaaminta dagaalka 
 

  

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 
W/D: Abdi Shiine Moalin
E-mail: shiine173@hotmail.com
                   
Jeneral Yuusuf Indhacade oo Hub Wareejin Sameeyay (Sawiro).
Magaalada Muqdisho ayaa waxa maanta lagu qabtay Munaasabad aad ubalaaran taasi oo hub wareejin kusameeyay Jeneral Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacade) oo kamid ahaa Saraakiisha Ciidanka Xooga dalka Soomaaliya.