Ciidamada amniga Jubbaland oo howlgal ka sameeyay Kismaayo

0
Wednesday October 31, 2018 - 13:58:07 in Wararka by Warsheekh Muqdisho
  • Visits: 1057
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada amniga Jubbaland oo howlgal ka sameeyay Kismaayo

    Howlgallo saacado badan qaatay ayaa xalay Ciidamada gaarka dowlad Goboleedka Jubbaland ay ka sameeyeen xaafado ka tirsan Magaalada Kismaayo oo Xarun KMG u ah maamulka Jubbaland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Howlgallo saacado badan qaatay ayaa xalay Ciidamada gaarka dowlad Goboleedka Jubbaland ay ka sameeyeen xaafado ka tirsan Magaalada Kismaayo oo Xarun KMG u ah maamulka Jubbaland.

Howlgaladaan oo ahaa kuwa lagu xaqiijinayay Ammaanka Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ay ciidamadu Baaritaan ku samaynayeen gaadiidka gaarka loo leeyahay iyo kuwa dadweynaha, iyagoona ay ciidamadu Roondo ku marayeen Isgoysyada xaafadaha iyo waddooyinka Halbowlaha u ah Magaalada.

Intii uu socdey Howlgalkaan ayaa waxaa ay ciidamada Ammaanku gacanta ku soo dhigeen Rag isticmaalayay waxyaabaha Maanka dooriya, Ragaan oo tira ahaan gaarayay ilaa 7 Nin ayaa laga soo kala qabtay Xaafadaha ay Kismaayo ka kooban tahay.

Shalay ayay ahayd markii Wasiirka Amniga Jubbaland iyo saraakiisha Ciidamada ay kulan saacado qaatay uga wada hadleen hawlgalada ka socda Jubbaland gaar ahaan dhinaca ammaanka ah.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip