Xildh Ghedi " Kenyeey Intaad Wax Kororso Is Leedahay Amaad Kuleyl lugaha lagashaa?"–
- Visits: 1804
-




(Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
- 0 0
-
Share
Waxaan la qabaa sida uu dhowaan Madaxweynaha DFKMG ah ee Soomaliyeed Mudane Sheikh Sharif Sh. Ahmed uu carabka ugu adkeeyey in shacabka iyo dowlada Kenya looga mahad-celiyo sidii ay ula dhaqmeen dadka Soomaliyeed ee dalkeeda ku qul-qulaayay 21-kii sano ee la soo dhaafay.
Balse waxaa, su'aalo waa weyn ka dhasheen sababta ay ciidamada dowlada Kenya u soo galeen gudaha dalka Soomaliya, ugana hawl galeen iyagoon fasax ka haysan dowlada Somaliya?, 96% waxaa leysku raac-san yahay inay Ciidamada Kenya Somaliya u soo galeen labo (2) ujeedo oo kala ah:-
1) Ujeedo dhaqaale, iyadoo dowlada Kenya ay doonayso inay gacanta ku dhigto meelaha dhulka Soomaliya looga sheegay inuu ka ceegaago "Shidaalka fara badan" Badda iyo Berigaba, iyadoo horeyna uu muran weyn uga taagnay xuduud badeedka Somaliya iyo Kenya, wixii ka danbeeyey xukuumadii Ra'iisul Wasaarihii hore Md. Cumar A/rashiid Cali Sharma'arke.
2) Laab la kac qabiilkii qaribay Soomaliya 21 sano ka hor, ayaa la rumaysan yahay inay soo cusbooney-siinaayaan shaqsiyaad miisaan culus ku leh siyaasada Africa iyo dabciyan dowlado aanan rabin inay Soomaliya degto, gaar ahaan bariga Afrika, sidoo kale waxaa farta aad loogu fiiqayaa qaar ka mid ah is-maamul dowlad-goballeedyada dalka ka jira.
Dowlada Soomaliyeed mowqifkeedu uu cad yahay, sida uu sheegay Madaxweyne Sheikh Shariif, asagoo yiri aad ayaa loosoo dhoweynayaa ciddii Somaliya gacan ku siinaysa la dagaalanka kooxaha nabad-diidka ah ee dhibka ku haaya Soomaliya oo dhan iyo dowladaha deriska la ah Soomaliya, laakin lama ogolaan karaayo in amar la'aan ciidamo shisheeye iska soo galaan taako ka mid ah gudaha Soomaliya.
Kenyey inta aad wax kororso is-leedahay amaad kuleyl lugaha la gashaa, war-hooy ka jooga laab la kac qabiil, haddii aad hada u caaboon tihiin ku quus qaata, kii hore oo ay Somaliya ku waysay qaranimadeedii iyo karaamadeedii mugga weyneyd.
Xildh. Mohamoud Ghedi Aw Hilowle
Jowhar53@hotmail.com
Rochester, MN.
Xildh Ghedi " Kenyeey Intaad Wax Kororso Is Leedahay Amaad Kuleyl lugaha lagashaa?"–
Waxaan la qabaa sida uu dhowaan Madaxweynaha DFKMG ah ee Soomaliyeed Mudane Sheikh Sharif Sh. Ahmed uu carabka ugu adkeeyey in shacabka iyo dowlada Kenya looga mahad-celiyo sidii ay ula dhaqmeen dadka Soomaliyeed ee dalkeeda ku qul-qulaayay 21-