Sidee looga Ciiday Maanta Kowfurta Soomaaliya, Daawo Muuqaalo Qurux badan

0
Monday December 08, 2008 - 17:47:57 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1193
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sidee looga Ciiday Maanta Kowfurta Soomaaliya, Daawo Muuqaalo Qurux badan

    Dhamaan Magaalooyinka Kowfurta Soomaaliya ayaa maanta si siman Looga Ciiday iyadoo dhamaan Masjidyada, Mowlacyada iyo Fagaarayaasha Maanta la isugu soo baxay si loo guto Munaasabada Salaada Ciida.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhamaan Magaalooyinka Kowfurta Soomaaliya ayaa maanta si siman Looga Ciiday iyadoo dhamaan Masjidyada, Mowlacyada iyo Fagaarayaasha Maanta la isugu soo baxay si loo guto Munaasabada Salaada Ciida.

 

 

Ciidaan ayaa waxa ay ka dhigneed Mid si siman loo ciiday iyadoo aysan jirin Qilaaf Bacdamaa Bisha Arafo ay maanta ku beegneed 10 taana ay ka dhigeesay in ay Ciid tahay .

Masjidyada Magaalada Muqdisho ayaa saakay laga wada tukaday Salaadda Ciidda Carafo, waxaana Salaadda kadib la arkayay dad aad u faraxsan oo Ciidda isugu hambalyeynaya iyo weliba caruur badan oo iyagoo qaba dhar bilic leh ku ciyaarayay Waddooyinka Muqdisho.


Sidoo kale waxa albaabada loo xiray Dhamaan Shirkadaha ka howl gala Goboladaaani iyadoo Gawaarida Blka ee Ka Shaqeeya Magaalooyinka dhaxdoodana ay ahaayeen kuwa aad umashquulsan Bacdaa ay dadku yihiin midba midka kale mid booqanayo isuguna Hambalyeenaayo Munaasabada Ciida.


Xuseen Ow Faarax oo ah Aabe Soomaaliyeed oo maanta Shabakada Warsheekh kula kulnatay mid ka mid ah Wadooyinka magaalada Muqdisho isagoo gacanta haya Caruurtiisa Farxadina ay kamuuqato ayaa yiri " aad iyo aad ayaan ufaraxsanahay aniga iyo caruurteeda waxana leeyahay umada Soomaaliyeed iyo guud ahaan Shacbiga Muslimka ah nagula Ciida Ciid Wanaagsan”

" Waxa alle uga baryeeynaa in uu Ciidaan, Ciideeda nagu Gaarsiiyo nabad iyo Barwaaqo” ayuu sii raaciyay .



Waxa Diyaariyay: Sayid Abdi Warsame

Sayidutd@gmail.com

Muqdisho-Somaliya.


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip