Inter Milan Oo Quudareyneysa Inay Dib U La Soo Wareegto Weeraryahankeedii Hore Mario Balotelli.

0
Wednesday November 16, 2011 - 14:38:27 in Sports by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1606
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Inter Milan Oo Quudareyneysa Inay Dib U La Soo Wareegto Weeraryahankeedii Hore Mario Balotelli.

    Madaxweynaha kooxda Inter Milan Massimo Moratti ayaa qirtay inuu jeclaan lahaa in weeraryahanka kooxda Manchester City Mario Balotelli inuu ku soo laabto kooxda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha kooxda Inter Milan Massimo Moratti ayaa qirtay inuu jeclaan lahaa in weeraryahanka kooxda Manchester City Mario Balotelli inuu ku soo laabto kooxda. Balotelli ayaa seddex xilli ciyaareed la soo qaatay Inter ka hor inta uusan ku biirin City oo uu 24 milyan ginni ugu wareegay 2010kii.

“Berriba waan soo ceshan lahaa Balotelli” ayuu yiri Moratti sida ay qortay BBC Sport.

“Mar walbaba jaceyl ayaan u haayay”
“Waxaan qabaa inuu haatan bilaabayo inuu shaqo wanaagsan qabto waxaa ku mahadsan Mancini iyo qibradiisa England”

Balotelli, oo goolkiisii ugu horeeyay Italy u dhaliyay kulankii ay todobaadkii hore 2-0 kaga badiyen xulka Poland ayaa waqti kala duwan ku soo qaatay Inter, waxaa mar lagu qasbay inuu raaligelin dadweyne bixiyo ka dib markii uu xirtay maaliyada kooxda uu yaraantiisa taageeri jiray ee AC Milan isagoo ka qeyb galayay barnaamij TV.

Waxaa sidoo kale aad loogu dhaleeceeyay markii uu maaliyada Inter dhuka ku tuuray ka dib markii ay ooriyeen taageerayaasha Inter qaab ciyaareedkiisii liitay ee kulankii Barcelona aawadeed.

21 jirkaan ayaa inta badan waxaa kursiga keydka ku heyn jiray Jose Mourinho sababo aqlaaqdiisa la xiriirta. Waxaana uu Moratti yiri:
“Wax shalaay ah kama qabo iibintii aan iibiyay”
“Waqtigaas, waxyaabo qaar ayaa dhacay taasoo nagu adkeysay inaan sii heysano. Lakiin hadii aan fursad u helo berri subaxdiiba waan la soo saxiixan lahaa”





Xigasho laacib.net







Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip