Taliyaha Ciidamada Xooga Soomaaliyeed ayaa Daboolka ka Qaaday in ay wadaan Qorshihii ugu dambeeyay ay ku cirib tiri lahaayeen Ururka alshabaab.
Taliyaha Ciidamada Xoogga Soomaaliyeed Gen. C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa wacad ku maray in guud ahaamba dalka ay ka saarayaan xooggaga Al-shabaab, kuwaasoo uu ku eedeyay inay dhibaatooyin ku haayaan shacabka soomaaliyeed.
Janaraal Diini ayaa sheegay in seefta ay gasha kala baxeyn isla markaana ay u diyaar garoobeen in dagaal ay la galaan koxda Al-shabaab, isagoo tilmaamay in kooxdaasi ay ugu yeereen nabada hase yeeshee ay diideen inay qaataan oo ay ku soo biiraan dowlada KMG ah.
Taliyaha ayaa soo hadal qaaday xaalada amaan dari ee ka jirta magaalada Muqdisho iyo ciidamada dowada ee dhibaatooyinka u geysnaya dadka shacabka ah,waxaana uu xusay Taliyuhu in arintaasi ay wax ka qaban doonaan, waxaana uu sheegay in socdaan howlgalo ay iska kaashanayaan ciidamada dowlada iyo maxkamadda ciiddamada qalabka sida oo lagu qabqabanayo koxahaasi dhibaateynaya shcabka.
Taliyaha ciidamada xoogga ayaa balan qaaday inti karaankooda ah inay wax ka qabandoonaan amaanka magaalada Muqdisho, isagoo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay kaalin ka qaataan dib u soo celinta amniga Muqdisho.
Gen. Diini"Qorshihii Ugu Dambeeyay Oo Shabaab Lagu Cirib Tiri laha aya Wadnaa"
Taliyaha Ciidamada Xooga Soomaaliyeed ayaa Daboolka ka Qaaday in ay wadaan Qorshihii ugu dambeeyay ay ku cirib tiri lahaayeen Ururka alshabaab.