Madaxweynaha dalka Kenya Mwai Kibaki ayaa qudbad uu maalinimadi shalay kajeediyay dadweyne isugu soo baxay Magaalada Nairobi kuwaasi oo kaqeyb qaadanayay dabaal dega maalinta qaranimada dalkaasi Kenya oo kubeegan 12-December ayuu uga hadlay howlgalada ciidamada kenya kawadaan gudaha Soomaaliya. Mr, Kibaki ayaa ugu horeyn shacabkiisa daaha uga rogay sababaha dhaliyay in Kenya ciidamadeeda u ogolaato in Soomaliya gudaha ugalaan ayna aheed talaabo waajib ku ah reer Kenya.
“Waxa qal qal lagaliyay amaanka dalkeena, dadkeena iyo waliba dalxiisayaasha kusugan wadankeena” ayuu yiri Madaxweynaha Kenya oo dhanka kalena meesha aan kasaarin in howlgalkaani uu yahay mid sidoo kale lagu samatabixinayo shacabka Soomalaiyeed ee dhibaatada amni xumo heesato in kabadan 20-Sano.
Madaxweynaha kenya Mwai Kibaki ayaa sidoo kale shacabka wadankiisa ugu baaqay iney isgarab taagaan ciidamadooda kusugan gudaha wadanka Soomaaliya ee kujira halgan xoogan oo runti salka kuhaya sida dadka reer kenya ay kuheli lahaayeen deganaan iyo xasilooni.
Inkastoo madaxweynaha Kenya uu qudbad umuuqatay dhiiro galinta ciidamadiisa kusugan Soomaaliya oo jeediyay hadana waxa jirto in howlgalki ciidamada kenya ee gudaha Soomaaliya aan wili laga gaarin hadafki laga lahaa taasi oo wehliso in amaanki gobolada waqooyi bari ee dalka Kenya wax iska badaleen, bacdama qaraxyo iyo dilal joogta ah ay kadhacaan maalin walba gudaha wadanka Kenya.
Mwai Kibaki: “Howlgalka Ciidamadeena ee Soomaaliya Waa Sii Wadeenaa”
Madaxweynaha dalka Kenya Mwai Kibaki ayaa qudbad uu maalinimadi shalay kajeediyay dadweyne isugu soo baxay Magaalada Nairobi kuwaasi oo kaqeyb qaadanayay dabaal dega maalinta qaranimada dalkaasi Kenya oo kubeegan 12-December ayuu uga hadlay howlgalad