Kulan socday mudo saacada ah oo udhaxeeyay gudi xaqiiqo raadin ah oo kasocday beesha caalamka oo maanta Muqdisho soo gaaray iyo gudiyo ay iska dhax magacaabeen mudanayaasha baarlamaanka ee sida weyn isu qilaafsan iyo madaxweynaaha Soomaaliya, iyadoo gudiga xaqiiqo raadintana si gooni gooni ah dhinacyadaani ula kulmeen.
Wafdiga xaqiiqo raadinta ee kasocday beesha caalamka ayaa ka koobnaa, Midowga Yurub, Midowga Afrika, IGAD, iyo hay’ada UNDP ayaa si gooni gooni ah ula shiray gudiyo ay kala hogaaminayaan Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ah afhayeenka baarlamaanka ee dhawaan xildhibaanada xilka kaqaadan, gudi uu hogaaminayo Madoobe Nuunow oo ah mudanahay dhawaan xildhibaanada udoorteen gudoon kumeel gaar ah iyo Madaxweyne Shariif oo isagana gudigaani si gooni ah ula kulmay.
Bahda saxaafada ayaa dhamaan kulamadaani waxey ka aheyd dibad joog, waxan adkaatay in waxbadan laga ogaado xaalada halka ay mareyso hasa yeeshe. C/qaadir Ismacil oo ah gudoomiye xigeenka gudiga dastuurka iyo arimaha federaalka, isla markaana katirsan xildhibaanada dhawaan mooshinka kuriday gudoomiye Shariif Xasan, ayaa shir jara’id uu maanta kuqabtay Muqdisho uga hadlay dhinacooda waxey kawada hadleen gudigi xaqiiqo raadinta.
Xildhibaan C/qaadir Ismacail ayaa cadeeyay qodobadi ay kala hadleen gudigi xaqiiqo raadinta isagoona inta kudaray iney wax walba iyadoo maqal iyo muuqaal ah ay tuseen uuna rajeynayo iney ku qanceen.
“Run ahaanti gudiga waxanu tusnay filim muuqaal ah oo muujinayo tirade xildhibaanada mooshinka qaaday iyo sida ay uqaadeen, wuxuuna filimkaas oo gaba gabeynayaa dacaayado badan oo lagu jah wareerinayay ra’yi caalamka” ayuu yiri xildhibaanka isagoona sidoo kale tilmaamay in hadii ay yihiin mudanayaasha baarlamaanka ay ka go’antahay meel marinta qodobadi lagu heshiiyay heshiiski Kampala.
Dhanka kale waxanu wili wax war ah kasoo bixin dhinacyada kale ee shirka kaqeybgalay sida Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Madaxweyne shariif Sheekh Axmed oo aan wili wax war ah kasoo bixin.
Waxa sii kordhayo walaaca xoogan ee beesha caalamka xiligaan kaqabto qilaafka sii xoogeesanayo ee udhaxeeyo mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya iyadoo sidoo kalena laga baqdin qabo iney waxyeeleeyso taageerada xoogan ee xiligaani caalamka ufidinayaaan soomaalida dhibaateesan, sidoo kale waxa suura gal ah qilaafka baarlamaanka inuu saameen kuyeesho sii socoshada howlgalada ciidamada dowlada kawadaan dhamaan gobolada Soomaaliya.
Hadaba waqtiga aan udeeno sida xaalku kudhamaado.
Wixi kusoo kordha halkaan kala soco
Xog Hoose oo laga helayo Kulanki Gudiga Xaqiiqo Radinta & Barlamanka
Kulan socday mudo saacada ah oo udhaxeeyay gudi xaqiiqo raadin ah oo kasocday beesha caalamka oo maanta Muqdisho soo gaaray iyo gudiyo ay iska dhax magacaabeen mudanayaasha baarlamaanka ee sida weyn isu qilaafsan iyo madaxweynaaha Soomaaliya, iyadoo