labada garab ee isbaheysiga dib uxoreynta midkee gumeysi diid ah,midkeese gumeysi doon ah?

0
Monday July 14, 2008 - 16:46:37 in Maqaallo by Xarunta Dhexe
  • Visits: 2518
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    labada garab ee isbaheysiga dib uxoreynta midkee gumeysi diid ah,midkeese gumeysi doon ah?

    Garabka dhowaan wadanka Jabuuti ku saxiixay heshiiskii, ay goob joogga ka ahaayeen wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaliya iyo beesha caalamka waa garab dhex-dhexaad ah ( modern), laakin waxaa ka go'an inay geed dheer iyo geed gaaban

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Garabka dhowaan wadanka Jabuuti ku saxiixay heshiiskii, ay goob joogga ka ahaayeen wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaliya iyo beesha caalamka waa garab dhex-dhexaad ah ( modern), laakin waxaa ka go'an inay geed dheer iyo geed gaaban u koraan sidii Ciidamada Itoobiye oo aan rabitaanka shacabka Soomaliyeed ku joogin gudaha Soomaliya, sidii xabad amba xeelad wadanka looga saari lahay Ciidamada Itoobiya.


Sida laga soo xigtay mas'uul sare ee ka mid ah garabkaan heshiiska Jabuuti ku saxiixay, wuxuu shaagey inaay dhowr sano soo wadeen Xabad, haddana aay si wedi doonaan haddii la fulin waayo wixii lagu heshiiyay, balse aay fursad siinaayaan wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaliya iyo beesha caalamka haddii la fulinaayo wixii lawada saxiixay?.

Mas'uul-kaan wuxuu dhowr jeer ku cel celiyay in uu hadaf koodu yahay inay Ciidamada Itoobiya wadanka ka saaraan, ka dibna Soomaliya loo dhiso Dawlad loo dhan yahay oo shacabka Soomaliyeed raali ka  wada yahay oo aan ku dhisnayn,  yaa qab-qable dagaal ah amba qaba qoryo waa weyn, kana duwan  Dawladda hadda  ka jirta Wadanka  ee uu hogaamiyo  Madaxweyne. Abdullahi Yusuf  ee lagu soo uunkay  wadanka Kenya dhammaadkii sannadkii 2004kii, balse wax badan dhaanta Dawlad la'aan.

Garabka labaad (2) oo si xoog leh uga soo horjeeda heshiiska Jabuuti, waayoo waa garab mayal adag
 ( extremist) kuna saleysan Qabiil isku xiran Alif ilaa Ya
 ( a to z ) meel-kasta ee aay adduunka ka kala joogaan oo aay hayso hanweyninkii ( Hitler), waxaa wehliya tobaneeyo qofood oo isugu jira qaar aan  xitaa tegi karan deegaanada aay ka soo jeedaan iyo qaar xilal ka waayay Dawladdaan uu hogaamiyo Madaxweyne.  Abdullahi Yuusuf.

 Garabkaan mayalka adag wuxuu talo iyo dhaqaale fara badan ka helaa ururro Diimeedyo  heer caalami ah  oo aad u neceyb Dawladdaha  reer galbeedka ah gaar ahaan Mareykanka. Dad badan ayaa aad u aaminsan garabkaan heshiis-diidka ah, lacagta faraha badan ee aay ka helaan ururo diimeedyada in lagu qal qaliyo Soomaliya oo dhan gaar ahaan caasimada Soomaliya ee Muqdishu, Baydhabo, Baladweyne iyo Puntland oo aay ka dhacaan dilal qorsheysan oo lala beegsado wax ku ool-ka  bulshada Soomaliyeed qeybaheeda kala duwan.

Waxaa aad loogu qoslaa marka xubno sar sare ee ka tirsan garabkaan nabad-diidka ah ay qalabka warbaahinta ka yiraahdan " kuwa heshiiska Jabuuti saxiixay ha towbadkeenaano", towbadkeenku wuxuu waajib ku yahay qof-kasta ee Muslim ah, balse mid gaar ah wuxuu ku waajibey garabka reer nabad-diid, waayoo waxaa lawada xusustaa sidii aay Masaakiinta u geli jireen xiligii aay reer nabad-diid ka talinaayeen gobalka Sh/hoose iyo qeybo ka tirsanaay Jubooyinka,

 tacadiyadii faraha badnaay ee aay  ku sameeyeen masaakiintii aay ku soo duuleen deegaanadooda sida: Biyaha Webiga oo laga iibiyay, beerahoodii oo laga xoogey misana qasab loogu faley ee daroogo lagu beerey iyo Shacabkii Soomaliyeed ee loo istaagay labada (2) Laami ee laga galo, loogana baxo caasimada Soomaliya ee Muqdishu.

 Hadafka reer nabad-diid waa haddii aay baxaan Ciidamada Itoobiya in aay iyagu bedelaan Ciidamada Itoobiye  aayna talada Dalka xoog ku qabsadaan, dabadeedna aay wadanka ku wareejiyaan ururro diimeedyo caalami ah gaar ahaan kuwa colaada ba'an kala dhexeyso reer galbeedka, si aay Soomaliya u noqoto meel aay ku hardamaan reer galbeedka iyo ururo diimeedyada caalamiga ah sida hadda ka taagan  Afghanistan iyo Iraq. Soomaliyey,

Arrintu sow uma eka ninkii yiri " adduun la joogo lama haayo, aakhiro lagu ordana lama sheegeynin",  runtii qof Soomali ah oo damiir leh ma oran karo  Ciidamada Itoobiya hanoo joogto dalkeyna hooyo, sidoo kale leesuma dhiibi karo reer biyo Webi masaakiin ka iibiyayaashii. 

By Warsame Yuusuf
Warsaameyusuf@hotmail.com

Wixii Su'aal qoraalkaan aad ka qabto u dir email qoraaga soo qoray ka fiiri emailkiisa xaga danbe qoraalka

Shabakada Warsheekh Mas'uul kama aha qoraalka akhristayaashu kusoo bandhigaan Ra'yigooda, mas'uliyada Qoraalka waxaa leh qoraaga, Shabakada Warsheekh Kaalinteedu Waa Baahinta Ra'yiga xorta ah.. Mahadsanid

Ma doonaysaa fikirkaaga inaad soo bandhigto? U soo dir webmaster@warsheekh.com , soo raaci magacaaga oo buuxa, iska ilaali ereyo gef ku ah Diinta Islamka, Qabiil ama Qof.


Warsheekh Official News Resources
Orebro-Lans
Sweden
Wixii Fakir Ah Noogu Soo Dir
Webmaster@warsheekh.com

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip