Wararkii Ugu Danbeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Ee Wargeysyada Yurub Ka Qoreen.

0
Monday January 09, 2012 - 14:57:54 in Sports by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1336
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wararkii Ugu Danbeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Ee Wargeysyada Yurub Ka Qoreen.

    Maalin wanaagsan akhristayaasheena sharafta leh meel kasta oo aad joogtaan, waa barnaamijkii Wargeysyada Maanta Iyo Wararkii Ugu Danbeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda oo aad maalin walba inta uu suuqa kala iibsiga furan yahay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maalin wanaagsan akhristayaasheena sharafta leh meel kasta oo aad joogtaan, waa barnaamijkii Wargeysyada Maanta Iyo Wararkii Ugu Danbeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda oo aad maalin walba inta uu suuqa kala iibsiga furan yahay Barnaamijkaan waxaan ku soo qaadanaa xanta ay wargeysyada yurub ugu waa weyn ka qoraan suuqa kala iibsiga, xuquuqda wararkan waxaa iska leh wargeysyada ku qoran.

Aan ku bilowno:

ENGLAND:

ARSENAL: Kooxda Gunners ayaa 3 milyan oo ginni u soo bandhigeysa kooxda Chelsea iyadoo dooneysa weeraryahankeeda Salomon Kalou. Weeraryahanka ayaa wadahadaladii uu heshiiska ugu kordhin lahaa Chelsea uu hakad ku yimid. Arsenal ayaana dooneysa inay la wareegto weeraryahanka reer Ivory Coast oo mushahar 90 kun ginni isbuucii ka qaata kooxda Blues. Warkaan waxaa qortay Daily Mail.

Arsene Wenger ayaa haatan ka fekeraya sidii uu Thierry Henry uga dhaadhicin lahaa inuu dheereeyo waqtiga uu amaahda kula sii joogayo kooxda, isagoo doonaya inuu Henry Emirates baaqi ku ahaado inta ka dhiman xilli ciyaareedkan. Sidaasi waxaa daabacday wargeyska The Sun.

Kooxda Fiorentina ayaa dooneysa inay amaah kaga soo qaadato Arsenal weeraryahanka reer Morocco Marwan Chamakh, lakiin ciyaaryahanka reer Morocco oo qaata mushahar 75 kun ginni todobaadki ayaa laga yaabaa inuu cabsi geliso kooxda reer Italy. Sidaasi waxaa qortay wargeyska The Times.

CHELSEA: Daafaca kooxda Blues Jeffrey Bruma ayay u badan tahay inuu amaah kale kula sii joogo kooxda Hamburg xilli ciyaareed kale, ka dib marka uu dhamaado xilli ciyaareedkan. 20 jirkaan reer Holland ayaa sheegay in wax walba ay u yihiin wax weyn Bundesliga uu haatan ka ciyaarayo. Sidaasi waxaa qortay wargeyska The Sun.

Kooxda Blues ayaa ku dhow inay labo heshiis ka sameyso hal ciyaaryahan, waxa ay doonayaa inay la soo wareegaan ciyaaryahanka kooxda Standard Liege Kenneth Omeruo, waxaana ay islamarkiiba amaah ku siinayaan kooxda ADO Den Haag. Sidaasi waxaa qortay wargeyska Daily Mail.

Ka dib markii shalay jaraa’idyadu ay qoreen in Chelsea ay u sheegtay Frank Lampard inuusan ku biiri Karin koox kale oo Ingariis ah balse uu banaanka Ingariiska aadi karo, tababaraha kooxda PSG Carlo Ancelotti ayaa u soo muuqday mid xiiseynaya ciyaaryahanka, isagoo doonaya inuu geeyo dalka Faransiiska. Sidaasi waxaa qoraya inta badan wargeysyada Ingariiska.

MANCHESTER CITY:Ciyaaryahan Carlos Tevez ayaa ku dhow inuu u dhaqaaqo kooxda AC Milan ka dib markii ay labada kooxood isku raaceen heshiis amaah ah, taasoo dhaqsaba mid joogta ah isku badaleysa hadii uu Tevez ciyaaro in ka badan kala bar kulamada xilli ciyaareedkan u haray kooxda Milan. Sidaasi waxaa qortay Daily Mirror.

MANCHESTER UNITED: Tababaraha kooxda Manchester United Sir Alex Ferguson ayaa doonaya inuu wajiyo cusub ku soo biiriyo kooxdiisa waxaana uu maanka ku hayaa ciyaartoyda kacsan ee kooxda Borussioa Dortmund Mario Gotze iyo Neven Subotic. Sidaasi waxaa qortay shabakada CaughtOffside.

TOTTENHAM: Kooxda Spurs ayaa talaaabo hor leh u qaaday saxiixa daafaca Blackburn Chris Samba, ka dib markii uu dhaawacmay daafacooda Ledley King. Sidaasi waxaa qortay wargeyska Daily Express.

Tababaraha Tottenham ayaa dareen hor leh geliyay kooxaha Liverpool, Manchester United iyo kooxo kale oo badan ka dib markii uu sheegay in lacagta lagu burburin karo heshiiska weeraryahanka qatarta ah ee kooxda Newcastle United Demba Ba inuu yahay kaliya 6 milyan oo ginni. Sidaasi waxaa qortay Daily Mirror.

ITALY

NAPOLI: Ciyaaryahanka ay dooneysay kooxda Chelsea Marek Hamsik ayaa sheegay inuu ku dhow yahay inuu heshiis cusub u saxiixo kooxdiisa Napoli oo uu baaqi ku sii ahaado Sao Paolo. Sidaasi waxaa qortay Football Italia.

MILAN: Iyadoo Derby Milan uu soo dhow yahay hadana sidoo kale Inter Milan iyo AC Milan waxa ay si fool ka fool ah isaga horimaanayaan saxiixa ciyaaryahan Carlos Tevez, Inter ayaa hadana lagu soo waramayaa inay horumar ka sameysay saxiixa ciyaaryahanka, iyadoo Tevez la ogyahay inuu heshiis shaqsi ah la galay kooxda Rossoneri. Sidaasi waxaa qortay jariirada Corriere dello Sport.

JUVENTUS: Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Ururguay MartinCaceres ayaa ku dhow inuu markii labaad noqdo ciyaaryahan Juventus ah, ciyaaryahanka kooxda Sevilla ayaa lagu wadaa inuu si amaah ah ugu biiro Bianconeri, iyadoo uu heshiiska qeyb ka noqonayo inay toos u wada iibsan karaan dhamaadka xilli ciyaareedkan. Sidaasi waxaa qortay jariirada Tuttosport.


xigasho laacib.net


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip