Xiisad Dagaal Iyo Dhaq Dhaqaaq Ciidan Oo Laga Dareemayo Gedo

0
Monday January 09, 2012 - 15:08:17 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 500
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xiisad Dagaal Iyo Dhaq Dhaqaaq Ciidan Oo Laga Dareemayo Gedo

    Wararka inaga soo gaaraya deegaano farabadan oo hoostaga gobolka Gedo ayaa sheegaya in halkaasi laga dareemayo xiisado u dhaxeysa Ciidamada dowladda Soomaaliya oo garab Milateri ka helaya kuwa Dowladda Kenya iyo ciidamo katirsan Al-Shabaab .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka inaga soo gaaraya deegaano farabadan oo hoostaga gobolka Gedo ayaa sheegaya in halkaasi laga dareemayo xiisado u dhaxeysa Ciidamada dowladda Soomaaliya oo garab Milateri ka helaya kuwa Dowladda Kenya iyo ciidamo katirsan Al-Shabaab . Deegaanada si weyn maantay looga dareemayo xiisadahan ayaa waxa kamid ah deegaanada Ceelcade iyo waliba Fax fax dhuun oo Maamlmihii lasoo dhaafay gacanta u gashay Ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Ahlu suna iyo waliba Milateriga dowladda Kenya.

Sidoo kale degmooyinka Baardheere iyo Buurdhuubo oo ay wali kusugan yihiin Ciidamo taabacsan Xarakadda Shabaab ayaa waxa iyana maanta laga dareemayaa xiisado iyo waliba cabsi aad u balaaran oo soo wajahday dadka deegaankaasi.

Dadka deegaanadaasi ayaa inoo sheegay in ay jirto cabsi balaaran iyadoona ay sheegayn in maalmihii ugu dambeeyay halkaasi laga bilaabay barakac Xoogan waxaana dadkaasi la sheegay in ay ka cabsi qabaan in ay waxyeelo kasoo gaarto dagaalada iyo duqaymaha halkaasi kajira.

Maalmihii aynu soo dhaafnay ayaa lagu soo waramay in halkaasi laga arkayay gawaari ay ku xeran yihiin Sameecado islamarkaana dadka deegaanadaasi ugu baaqaya In ay ku garabsiiyaan dagaalada

Shalay ayay ahayd Markii hadal kasoo baxay Afhayeenaka Milateriga Dowladda Kenya uu ku sheegay in ay sii wadayaan Baacsiga iyo duqaymaha ay ku hayaan fariisimaha Shabaab iyo waliba goobaha ay kajiraan maamuladda Xarakadaas.


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip